Somaliland oo ku 31-sano jirsatay cabashooyin iyo walaac

Image
Image
Image
Image
Image
Xukuumadda Biixi ayaa si weyn loogu dhaliilay maareynta awood-qeybsiga iyo geedi-socodka doorashooyinka.

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shacabka caasimadda Hargeysa kala qaybgalay munaasibad ballaaran oo lagu xusayey 31-guurada kasoo wareegtay 18-ka May oo ah maalintii ay Somaliland ay sheegatay in ay ka go'dey Soomaaliya.

Munaasibadda lagu qabtay barxadda fagaaraha ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay shirguddoonka labada gole, guddoomiyaha maxkamadda sare, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, wufuud kala duwan oo dalalka deriska iyo dunida uga timi ka qaybgalka munaasibadda, taliyeyaasha ciidamada, ururrada bulshada, siyaasiyiin iyo haldoor bulshada kamid ah iyo marti-sharaf kale, waxana fagaaraha lagu soo bandhigay mahrajaanno xiiso badan oo lagu muujinayo maalinta qarannimada ee 18-ka May.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ah, bahda waxbarashada, degmooyinka caasimadda, kooxaha Sports-ka ee Hargeysa oo ku lebbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa fagaaraha koox koox u maray, kuwaas oo ay ka muuqatay shucuur waddaniyadeed.

Cutubyo kala duwan oo kamid ah ciidamada kala geddisan ee qaranka oo agabkooda ciidan u dhammaystiran yahay, ayaa iyo gaaddo-ka-ciyaar xirfadi ka muuqato goobta kusoo bandhigay, kuwaas oo shucuur waddaniyadeed iyo qiiro geliyey shacabkii waddooyinka kala duwan ee caasimadda ka daawanayey iyo masuuliyiintii madaxweynuhu u horreeyey ee xuska ku sugnaa.

Sidoo kale, waxa ay ciidamada kala duwan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland goobta kusoo bandhigeen gaadiid kala geddisan oo casri ah, kuwaas oo ay kamid ahaayeen gaadiidka kaarayaasha iyo noocyada kale ee hubka culculus xambaara, kuwaas oo ay ciidamadu kaga hortagaan cadowga dalka.

Biixi oo shacabka u jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa ayaa ugu horrayn bulshada reer Somaliland meel ay joogaanba ugu hambalyey munaasibadda qaran ee 18-ka May.

Bulshada reer Somaliland ayuu ugu baaqay inay  u diyaargaroobaan isbeddelka cimilo ee dunida oo dhan saameeyey, isaga oo ku waaniyey inay wax ka beddelaan qaabkii hore ee ay u noolaan jireen si ay isbeddelka ula jaanqaadaan.

"Waxa inoo mabd’a ah oo siyaasaddeenna lagu unkay oo lagu bilaabay inaynu Bani’aadamka Ilaahay meel kasta oo ay joogaanba aynu nabadgelino oo aynu wax la qabsanno, inagoo ka bilaabayna jaararkeena, Geeska iyo caalamka oo dhan," ayuu xusay.

Dabaaldegga sanadkan ayaa kusoo beegmay iyadda oo maamulka dhexdiisa ka dhex-taagan tahay is-qabqabsi dhinaca hogaanka ah iyo walaac laga qabo in ay dib-u-dhacdo doorashadda madaxtinimadda taasoo xisbiyadda mucaaradka ka digayaan cawaaqib-xumo ka dhalan karta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM