Somaliland oo lagu eedeeyay in ay taageerto Al-Shabaab

Image

HARGEYSA, Somaliland – Somaliland waxay "hor-gale u tahay" Al-Shabaab, sidda uu shaaca ka qaadey Cabdisamad Maxamed Galan, wasiirka amniga Dowlada Puntland, oo xaqiijiyey in ay is-difaacayaan.

Maamulka Hargeysa ayuu ku eedeeyay in uu iska indha-tiray deris wanaaga iyo nabad kuwada noolaanshiyaha labada dhinac.

"Wax badan baanu wax xeeriney, wax badan baanu nabad-gelyadda ilaalineynay, wax badan baanu niri bal xaalada qaboojiya oo dib u dhiga, laakiin waxaad moodaa in aysan marnaba waan-toobeyn," ayuu yiri.

Isagoo la hadlayey ciidamo kadib booqasho oo ku tegay Sanaag, wasiirka ayaa wuxuu wacad ku maray in Puntland ay gaari doonto xuduudkeeda.

"Waxaanu balanqaadeynaa in jawaab taariikhi ah ay kala kulmaan damaca ay kusoo qaadeen jiidaan aynu joogno, waad og-tihiin difaaceena asalka ah iyo degaanka asalka ah waa Ceerigaabo," ayuu raaciyey.

Puntland ayuu xusay in ay ka fekereysay qorshe ah in Ceerigoobo ay noqoto mid meel nabdoon oo labada maamul ay kawada armiyaan, balse dhaqdhaqaaqyadii u dambeeyay ay wiiqeen arrintaas.

"Waxaanu ka fekerynay Ceerigaabo nabad-gelyo ma lagu wada noolaan karaa sidda Gaalkacyo nabad-gelyo loogu wada noolyahay? Taasaan ka fekereynay, in marka ay gudaha noogu yimaadaan oo ina damacaaiyaan iyagoo Al-Shabaabkii hor-gale u ah, waxaan u dhaaranay dalkeena, dadkeena iyo diinteena, waan ku dhimaneynaa, waan u dhimaneynaa, cadowgana waanu ku leynaynaa," ayuu carabka ku adkeeyay wasiirku.

Todobaadkii hore, Somaliland ayaa weerartay fariisin ciidamada Puntland ku leeyihiin degaanka Hadiiftimo ee gobolka Sanaag, talaabadaas oo la tilmaamay in ay caqabad ku tahay dedaalada dunida.

Saaxiibada caalamka ayaa xusul-duub ugu jira sidii nabad loogu soo dabaali-lahaa Puntland iyo Somaliland oo ay ka dhaxeyso colaad gaamurtay oo quseysa maamulida gobolada kala ah; Sool, Sanaag iyo Ceyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM