Somaliland oo laga digay "in ay u burburto sidda Laascaanood"

Image
Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka hor-yimid in ay "hal maalin xataa lagu darro doorashada madaxtooyada".

HARGEYSA, Somaliland - Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Axmed Cumar Xaaji Xamarje, ayaa ka digay in Xukuumadda Somaliland ay burburto, haddii doorashada Madaxtooyada lagu qaban waayo wakhtiga ay guddiga doorashadda u cayimeen.

Xamarje oo Axaddii shalay waraysi siiyey mid ka mid ah Telefiishanka Maxaliga ah ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in dib-u-dhac ku yimaadda doorashadu ay sii kordhinayso colaadda Laascaanood, isla markaana saamayn xun ku yeelanaysa guud ahaan gobolka.

“Komishanka waxaan ka sugayaa in ay ka dhabeeyaan balantii ay qaadeen ee ahayd in doorashada la qabto 9 bilood ka dib, hadii ay qaban waayaana Somaliland waxay wajihi doontaa masiirka Laascaanood oo kale," ayuu yiri Xamarje.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Xamarje ayaa ku daray: "Xitaa hal maalin oo dheeraad ah oo ku saabsan waqtiga doorashada waxay keeni kartaa in gobollo badan ay noqdaan sida Laascaanood".

Xamarje waxa kale oo uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ku eedeeyay inay huriyeen shaqaaqadii ka dhacday Laascaanood si dib loogu dhigo doorashada.

Waxa uu ku andacoodey in xisbigoodu uu diyaar u yahay doorashada madaxtooyada iyo ururka isagoo dhanka kale ku eedeeyey madaxweynaha in aanu diyaar u ahayn.

Xamarje waxa uu ka mid ahaa in ka badan toban siyaasi oo loo xiray mudaharaadkii xukuumadda Biixi lagaga soo horjeeday ee Hargeysa, balse markii dambe la sii daayey.

Rabshadihii Laascaanood ka dhacay ayaa waxaa ku barakacay in ka badan 185,000 oo qof tan iyo markii ay bilowdeen 28kii December 2022, in ka badan 200 oo qof ayaa ku naf waayey, iyadoo boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale waxaa burbur soo gaaray isbitaallada magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM