Somaliland oo mar kale xabsi u taxaabtey wariye Coldoon

Image
Samafalaha ayaa lagu waramay in laga kaxeeyay goobtiisa shaqada magaalada Burco.

HARGEYSA, Somaliland - Ciidamada booliska Somaliland ayaa lagu waramay in ay magaalada Burco ku xireen Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo ah saxafi, samafale iyo shaqsi u ololeeya arrimaha bulshadda.

Ma cadda sababta loo beegsaday balse waxay kusoo aadeysaa. Laamaha ammaanka Somaliland ayaan wali wax war ah kasoo saarin xariga Coldoon "oo laga kaxeeyay goobtiisa shaqadda".

Xarigan ayaa kusoo aadaya iyadda oo maalmihii lasoo dhaafay uu soo waday dhaqdhaqaaq ka dhan ah xarunta dhaqanka Hargeysa iyo Dugsiga Abaarso oo uu ku eedeeyay in lagu faafinayo diinta Masiixiga.

Sidoo kale, xariga Coldoon oo Puntland ay horey degaanadeeda uga soo tarxiishay ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan uu bartiisa Facebook ku taageeray qabsashadda kooxda Taliban ee Afghahanistan.

Qoraaladiisa oo inta badan dhaliya dood culus ayaa sidoo kale wuxuu ku daraa nidaamka dimuqraadiga ah ee ka jira degaanada Soomaalida isaga oo ku baaqaya dhaqan-gelinta "shareecadda Islaamka".

Dhowr jeer ayaa horey loo xirey Coldoon laguna riday xukun maxkamadeed. Balse waxaa kalkii dambe lagu sii daayey cafis ay u fidiyeen mas'uuliyiinta Somaliland si gaar ah madaxwayne Biixi.

Markii u dambeysay ayaa Burco waxaa laga soo xiray 14-ka bishii 4aad sanadkii 2019. July 8-deeda waxaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah iyaddoo loo cuskanayo  "jabinta nidaamka u degan Somaliland".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM