Somaliland oo markale ajaanibka ka hadashay

Image

HARGAYSA- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay ajaanibta deegaanadeeda ku sugan, waxayna markale ku celisay inay dhaqso u baxaan islamarkaana u dul qaadan doonin inay sii joogaan dadka aan degenaanshaha rasmiga ah haysan.

Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dhinaca gobollada iyo degmooyinka Jaamac Cabdilaahi Biin ayaa digniin culus diray ayaa ciidamada ammaanka faray inay qabtaan cid kasto oo aan haysan sifo sharci ah oo waddankaasi kusii joogaan.

Biin, ayaa ajaanibta ugu goodiyay in cidii aan wasaaraddiisa kasoo dalban ruqsadda degenaanshaha u aqoonsan doonaan kuwo ka maarmay joogintaanka Somaliland.

Wuxuu intaasi ku daray inay muwaadin u aqoonsanyihiin dadkii deegaanada Somaliland ku isirnaa wixii ka horeeyay 1960, isagoo dadkii xilligaa ka dambeeyay sheegay in maamulkaasi laga saarayo hadii uusan haysan ogolaanshaha wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Muddo bil ah loo qabtay dadka aan u dhalan Somaliland inay isaga baxaan deegaanadaasi ayaa ku ekeyd 25 bishii tagtay ee Febraayo, waxaana arrintaasi loo aaneeyay xadiga dadka ku sugan caasumadda Hargaysa oo ku adkaatay inay waqtigaasi u hogaansamaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM