Somaliland oo qabatey haweeney "aflagaadeysay" ALLE

Image
Taliska Booliska Somaliland ayaa sheegay in ay si degdeg maxkamad u horgayn doonan haweeneydan.

HARGEYSA, Somaliland - Booliska maamulka Somaliland ayaa Sabtida maanta ah waxa uu sheegay in uu qabtay haweeney aflagaadeysay ALLE.

War qoraal ah oo kasoo baxay booliska ayaa lagu caddeeyay in haweeneydan si degdeg ah loo horgeyn doono Maxkamadda awoodda u leh.

"Taliska Ciidanka Boolisku wax uu bulshada Somaliland ugu baaqayaa inay ka fogaadaan arrimaha noocaasa ee kasoo horjeeda Islaamnimada iyo Diinteenna suubban," ayaa la raaciyay bayaanka.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Ciidanka Booliska [Somaliland] ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysan Huda Cawaale Xirsi oo dhawaan muuqaal ay faafisay caayaysay illaahay.

Hawlgal iyo baadhid dheeriya Ciidanka Boolisku sameeyay ayuu inantaasi kusoo qabtay, isagoo gudanaaya waajibaadkiisa shaqo ee ciidanku u xilsaaran yahay, Waxaanan degdeg u horgeyn doonnaa Sharciga haddii eebbo idmo.

Taliska Ciidanka Boolisku wax uu bulshada Somaliland ugu baaqayaa inay ka fogaadaan arrimaha noocaasa ee kasoo horjeeda Islaamnimada iyo Diinteenna suubban.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM