Somaliland oo shaacisay mawqifkeeda ku aadan dilka Jaamac Kadiye

Image
SAWIR HORE

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Somaliland ayaa dhawaan war-saxaafadeed ka soo saartay dilka Abwaan Jaamac Kadiye, iyada oo beenisay inay ku lug lahayd dilkaas, waxayna tacsi u dirtay qoyskii uu ka baxay.

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa cambaareysay falka lagu dilay Jaamac Kadiye, waxa ayna tilmaantay in falkaasi ay ka dambeeyaan kooxo argagixiso ah oo ku sugan magaalada Laascaanood.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri: “Kuwii falkaas ka dambeeyay waxay isku dayeen inay eedayn u jeediyaan Somaliland, waxaanu si adag uga soo horjeednaa eedahaas, waxaana ku baaqaynaa in si dhab ah loo baaro”.

Siyaasiyiin iyo mas’uuliin ka kala socda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa ku eedeeyay Somaliland inay ku lug leedahay dhacdadaas.

Isimada SSC ayaa dhankoodii xaqiijiyey inay Somaliland uga aargudan doonaan falkii lagu dilay Abwaan Jaamac Kadiye, wuxuuna Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil balan qaaday inay dhawaan xorayn doonaan Gooja-cadde.

Shalay ayay aheyd markii Abwaan Jaamac Kadiye uu ku geeriyooday Laascaanood, kadib markii madaafiic lala beegsaday gaarigiisa. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM