Somaliland oo shaacisay mowqifkeeda ku aadan cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya

Image
Mawqifkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland ay soo food saartay caqabado dhinaca ammaanka ah.

HARGEYSA, Soomaaliya - Xukuumadda Somaliland ayaa si cad u diidday go’aankii golaha ammaanka ee cunaqabataynta hubka lagaga qaaday Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

“Dagaalladii arxan darrada ahaa ee dawladdii wixii la odhan jiray Somalia ku soo qaadday dadka reer Somaliland isla markaana ay ku laysay in ka badan 200 oo kun oo muwaadiniin reer Somaliland ah ayaa si weyn inoo xasuusinaya khatarta hub si fudud loo helo.” ayaa lagu yiri bayaanka.

Somaliland ayaa sheegtay in go’aankan uu kordhinayo awoodda kooxaha argagixisada ee ka dagaalama Soomaaliya, iyada oo tilmaamtay in arrintaas ay khatar galinayso ammaanka ugana sii dareyso dhibaatooyinka bani’aadannimo ee hadda jira.

Somaliland ayaa u soo jeedisay golaha ammaanka ee qaramada midoobay inay sameeyaan hannaan lagu dabagalayo laguna ilaalinayo in aan hubku gacanta u galin kooxo aan qaadi karin masuuliyaddiisa, sida ku xusan bayaanka.

Mawqifkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland ay soo food saartay caqabado dhinaca ammaanka ah oo ka taagan gobolka Sool ka dib markii maamulka SSC-Khaatumo uu dhul ballaaran kala wareegay, isla markaana uu ka curtay khilaaf siyaasadeed oo ba’an.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM