Somaliland oo ka hadashay xiisada ka dhex aloolsan Soomaaliya-Kenya

Image

HARGEYSA, Somaliland – Iyada oo ay sii kululaaneysa xiisada Soomaaliya iyo Kenya, ayna todobaadkii hore tageen Nairobi wafuud ka socotay Somaliland, ayaa waxaa maamulka Hargeysa uu cadeeyay mowqifkiisa.

Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, ayaa u sheegay laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da, in maamulkiisa uusan dhinac xig-saneen, isaga oo ku tartarsiiyey labada darafba in xurgufta ay xaliyaan.

Warar ayaa sheegaya in Somaliland ay ka dhex-faa'ideysaneyso muranka labada dal, ayna heshiis wadashaqeyn ay la galeyso xukuumada Nairobi, balse Wasiir Kaahin wuxuu meesha ka saarey arrintaasi.

"Annaga ma dhihin kuwa ka dhex faa'ideysatay xiisadaha labada dal. Waa arrin u taala labada wadan oo ay tahay in ay xaliyaan," ayuu yiri Wasiirka oo raaciyey "Somaliland waxba kama gelin xiisadaasi".

Khuburada siyaasada ayaa ku sifeeyay socdaalka wafdiga Somaliland ee Nairobi mid kamida cadaadisyada diblumaasiyasadeed oo ay Kenya u saareyso Soomaaliya kiiska dacwada badda ee horyaala ICJ.

"Soomaaliya wax kuma tartato Kenya EE Kenya ayaa haatan wax ku tarto Soomaaliya," ayuu Kaahin daba dhigay hadalkiisa, isaga oo dhaliilay siyaasada arrimaha dibada xukuumada Farmaajo.

Talaabooyinka kale oo ay Kenya qaaday si ay culeyska ugu kordhiso Muqdisho waxaa kamida in mas'uuliyiinta dowlada dhexe ka tirsan ay u diiday gal ku galka iyo in ay beegsatay ganacsatada Soomaalida ee Islii.

Dowlada Federaalka oo jawaab dabacsan ka bixisay arrimahaasi ayaa ku tilmaamtay kuwa aanan u wanaagsaneen derisnimada, waxayna kaliya fal-celinteeda kusoo koobtay walaac.

Wasiir Kaahin oo difaacay cilaaqaadka ay la leeyihiin Kenya kaasoo uu tibaaxay in uu soo jiray tan iyo is-ticmaarkii Ingiriiska oo labada dhinac soo gumeystay ayaa wacad ku maray in ay sii wadayaan.

"Madaxda Muqdisho ayaa faafinaya Somaliland baa ka faa'ideysaneysa xiriirka xumaaday ee Soomaaliya-Kenya, waxayna kamida cadaawada ay noo hayaan iyo siyaasada xumada ay dalalka marba isugu dhacayaan," ayuu xusay.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa wuxuu si cad daaha uga rogay in maamulkiisa uu diyaar u yahay in dib loo bilaabo wadaxajoodka kala dhaxeeya dowlada federaalka oo hakad ku jira tan iyo sanadkii 2014-kii.

Wafdiga Somaliland ee isbuucii hore Nairobi tegay ayaa mudadii ay dalkaasi joogeen waxay la kulmeen xubno ka socda Beesha Caalamka oo ay kala hadleen doorashooyinka si lamida madax ka tirsan dowlada Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM