Somaliland oo sii deysay lamaane "loo xiray faafinta Diinta Masiixiga"

Image

HARGEYSASomaliland – Maamulka,  gooni u goosadka ah ee Somaliland ayaa xabsiga kasii daayey laamane bishii September ee sanadkan 2020 loo xiray faafinta Diinta Masiixiga, sidda uu ku waramay mareegga Bosnewslife.com.

Boggan oo soo xiganaya illo xog ogaal ah oo ka tirsan booliska maamulka Hargeysa ayaa intaas ku daray in lamaahan markii lasii daayay loo musaafuriyey caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho "si ay ula midoobaan qoysaskooda".

Sidda ku xusan warbixinta, booliska ayaa soo qabtay shaqsiyaadkan ka gedaal markii agabkooda laga dhex-helay astaamo muujinayo in ay Karishtaan yihiin.

"Magacyadooda waxaa loo qariyey iyaddoo la eegayo walaac dhanka ammaanka ah iyo nafsadooda aysan halis gelin," ayuu daabacay warsidaha oo intaas ku daray in lamaahan ay dhowr jeer kasoo hor-muuqdeen maxkamadda Hargeysa.

Sii deyntooda, sidda ku cad qoromadda, waxay ka dambeysay markii diblumaasi fadhigiisu yahay xarunta Somaliland uu farageliyey kiiskan isla markaana uu xiriir toos ah la sameeyay Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Awqaafta ee maamulka.

Warsidaha Garowe Online ayaan si madax-banaan u xaqiijin karin sheegashooyinka mareegga. Isku dayo uu Go doonayay in uu mas'uuliyiinta Somaliland kaga xaqiijiyo sheekadan way diideen in ay si furan uga hadlaan.

Sheegashooyinka la xiriira arrimaha faafinta Diinta Masiixiga ayaa aad ugu degaanada Somaliland. Tani waxay walaac ku abuurtay dadka shacabka ah. Hasayeeshee, madaxda maamulka way ka dhuuntaan in ay si cad uga hadlaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM