Somaliland oo tarxiishay dad kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya

Image
Saraakiisha amniga ayaa waxay talaabadan u cuskadeen "walwal dhinaca ammaanka ah".

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland ayaa Sabtida maanta ah waxay in ka badan 700 ganacsato kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya ka musaafurisay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Goobjoogeyaal ayaa Garowe Online waxay sheegeen in dadka la tarxiilay ay ku jiraan dumar iyo caruur. Saraakiisha amniga waxay talaabadan u cuskadeen "walaac dhanka amniga ah".

"Qaar badan oo kamid ah dadkaas waxaa la si qasab ah loogu saarey gawaarida ayaga oo aan horey u sii qaadan agabyada ku jiray mehradaha ganacsi oo ay lahaayeen," ayuu raaciyey.

Taliyaha Booliska ee Gobolka Sool ayaa sheegtay in aanay ahayn Soomaali isla markaana dadka kasoo jeeda Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya ay ula midyihiin Itoobiyaanka iyo ajinebiga kale.

"Dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya waa ajinabi waxayna noola mid yihiin Itoobiyaanka oo kale waana ka saaraynaa Laascaanood, annaga Soomaali ma nihin waxbana nagam gelin waxaanu nahay Somaliland," ayuu yiri.

Senator Ilyaas Xasan Cali oo kamid ahaa baarlamaanka waqtigiisu dhamaadey ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay talaabada ay ku dhaqaaqdey xukuumadda Muuse Biixi Cabdi.

"Waa wax kabaxsan dhaqanka Islaamka iyo midka Soomaalinmo waxa kasocda Laascaanood ee lagu sheegey dadka kasoo jeedo KG in ay yihiin Ajaaniib!," ayuu ku qoray Facebook-ga.

Wuxuu intaas ku daray: "Waxgaradka deegaanada Somaliland guud ahaan si gaar ahna Laascaanood waxaan ugu baaqaayaa iney arintaas raali gelin kabixyaan lana joojiyo qafaalkaas".

Talaabada maamulka dunida u aqoonsan tahay in uu hoostago Muqdisho waxay kusoo beegmaysaa xilli ay Laascaanood kusoo kordheen dilalka rayidka ayna halkaas tageen wafdi wasiiro ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM