Somaliland oo todoba shuruud ku xirtey wadahadalka Soomaaliya

Image
Maamulka Muuse Biixi Cabdi ayaa qodobadan soo saarey xilli dhowaan uu ogolaadey soo celinta wadaxaajoodka.

HARGEYSA, Somaliland - Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa soo bandhigtey todoba shuruud oo ay sheegtay in maamulkooda uu kaliya galayo wadahadalka dowladda federaalka haddii la damaanad-qaado.

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa kusoo beegmaya xilli horaantii bishan ay Villa Soomaaliya shaacisay in ay ka go'an tahay soo celinta wadaxaajoodyadda.

Kadib dhawaqa Madaxtooyadda Soomaaliya, maamulka Hargeys ayaa dhankiisa wuxuu ku dhawaaqay in uu soo dhaweynayo dib-u-bilaabida wadahadaladda oo hakad ku jiray sanadihii ugu dambeeyay.

Shuruudaha Somaliland ay ku xirtey in dib loo bilaabo wadaxaajoodyadda ayaa waxaa kamid ah in la helo "xal laba dowladood ah, fulinta heshiisyadii hore iyo in wadahadalka uu yeesho waqti cayiman".

Dhanka kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa illaa haatan waxa aysan soo bandhigin haddii ay jiraan shuruudo ay ku galeyso wadahadaladda wallow aanan horey looga baran xukuumadihii ka horeeyay.

HOOS KA AHRISO SHURUUDAHA DHAMEYSTIRAN

1) Somaliland waxay ku adkaysanaysaa in la helo xal laba dowladood sababtoo ah waxaanu ahayn laba dawladood oo madaxbanaan oo si mutadawacnimo ah u midoobay 1dii Luulyo, 1960.

Waxa intaa dheer, Somaliland 31-kii sannadood ee u dambeeyay waxay ahayd dawlad madaxbannaan oo ku naaloonaysa nabad iyo xasillooni. Muddadaas, Somaliland waxay hirgelisay doorashooyin xor iyo xalaal ah. Somaliland waxa ka dhacay 5 xil wareejin oo nabad ah. Saddex ka mid ah iyaga oo loo marayo doorashooyin toos ah.

2) Dhammaan heshiisyadii hore waa in la ixtiraamaa oo la fuliyo si degdeg ah. Tani waa habka kaliya ee lagu dhisi karo kalsoonida.

3) Waa in uu jiraa hannaan dhexdhexaadin caalami ah oo dhexdhexaad ah, kaas oo sidoo kale dammaanad qaadaya natiijada wadahadalka.

4) Waa in ay jirtaa xoghayn maamusha keydka. Xoghayntu waa inay noqotaa mid karti leh, xirfad leh, dhexdhexaad ah iyo mid dhexdhexaadnimadeeda oo si adag loo ilaaliyo.

5) Waxaa waajib ah in la helo mabaadi' iyo xeerar (Code of Conducts) fure u noqon doona wadahadalka.

6) Waxaa waajib ah in la helo ajande ku jaan-go'an qodobadda muranka ka taagan yahay

7) Wadahadalku waa inuu lahaadaa waqti xaddidan.


Turkiga iyo Denmark ayaa dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ee illaa haatan muuqda kuwaasoo ku lug leh wadahadaladdan iyadda oo Mareykanka iyo Itoobiya ay kamid ahaayeen goobjoogeyaasha kulankii u dambeeyay.

Jabuuti ayaa waxay marti-gelisay kulankii ugu dambeeyay. Lama ogga haddii isbadal lagu sameeyay kalkan. Somaliland ayaa sanadkii 1991 sheegtay in ay ka go'adey Soomaaliya. Balse, illaa haatan ma aysan helin aqoonsi caalami ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM