Somaliland oo wafdi u dirtay Taiwan kadib "martiqaad rasmi ah"

Image
Kooxdan maanta ka duushay Hargeysa waxaa hogaaminaya Wasiirka arrimaha dibadda, Dr Ciise Kayd.

HARGEYSA, Somaliland - Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland ayaa Isniinta maanta ah u ambabaxay dalka Taiwan kadib casuumaad la sheegay in uu ka helay waddankaas.

Kooxdan ayaa ka kooban Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr Ciise Kayd, Wasiirka horumarinta Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed, iyo Wasiirka qorshaynta Qaranka, Cumar Cali Cabdillaahi.

Sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Somaliland, kooxdan ayaa mudada ay halkaas joogaan la kulmi doona Madaxwaynaha Taiwan, Tsai Ing-Weng, iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada Taiwan.

Telefishinka ku hadla afka Somaliland ayaa intaas ku daray in kooxda ay sidoo kale wadaxaajoodyo la yeelan doonan madaxda hay’ada Taiwan ICDF, shirkada CPC, iyo shirkada CECI.

Warbixinta oo lagu soo xigtey illo aan la magacaabin ayaa intaas ku daraysa in shirkadda CECI ay Somaliland ka hirgelineyso "isbitaal casri ah". Hase ahaatee, ma bixin fahfaahin ku saabsan mashruucan.

"Booqashada weftiga [JSL] waxay dardar galinaysaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, waxsoo-saarka iyo ganacsiga oo labada dalba mihiim wayn u leh," ayuu raaciyey telefishinka.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya hase ahaatee waxay dunida u aqoonsan tahay maamul hoostaga xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ciidamo boolis ah u tababaraysa maamulka Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, lama bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska.

  • Somaliland

    09-05-2024

  • 05:20PM

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM