Somaliland oo war cusub kasoo saartey wada-hadalada DF Soomaaliya

Image

HARGEYSA, Somaliland – Kadib talaabooyin horleh oo ay qaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Somaliland ayaa war cusub kasoo saartey wada-hadaladda hakadka ku jira shanta sano.

Guddiga wada-hadalada oo Farmaajo magacaabay ayaa Axadii la kulmay ergo la sheegay in ay ka socdeen Hargeysa, lagana wada-hadlay wada-xaajoodka mustaqbalka dhow.

Talaabadaas ayaa timid markii ay Muqdisho ka dageen wafdi ka yimid Somaliland oo gargaar u waday magaaladda Beledwayne.

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo ku xigeenkiisa oo qaabilay wafdiga oo isugu jira culimo iyo ganacsato ayaa u mahadceliyey.

Liibaan Yuusuf, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland, oo Isniinta maanta ah wariyeyaasha la hadlay, ayaa si cad u sheegay in wafuudaas aysan wada hadalka ku metelin maamulkiisa.

Sidda laga soo xigtay wasiirka, Somaliland ayaa dooneysa in la aqoonsado qadiyadeeda si dib loogu bilaabo wada-hadalka, "hadii aysan taas dhicin ma jirayaan wax dib loo bilaabi karo".

"Maamulka Muqdisho isagaa ka caga-jiidaya wada-hadalka," ayuu hadalkiisu ku daray, isagoo xusay in dhankooda ay diyaar yihiin.

Tan iyo markii ay xafiiska yimaadeen, madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, wuxuu mid walba ku adkeysanayey in ay ka go'an tahay wada-hadaladda, balse ma jirin talaabo.

Diblumaasiyiin dusiyey in leysku raacay in ay dhacaan wada-hadaladda ayaa sheegay in lagu muran-san yahay meesha lagu qabanayo, iyaddoo ay jiraan dowlado badan oo xiiseynaya.

Sababtaan ayaa lagu sheegayaa in ay qayb ka tahay waxyaabaha dib-u-dhaca ku keenaya in dib loo furo wada-hadalka.

Sikastaba, Somaliland ayaa sheegata madax banaani tan iyo 1991-dii, balse ma aysan helin aqoonsi caalami ah, waxayna Beesha Caalamka u aqoonsan tahay maamul xubin ka ah federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM