Somaliland oo waxbarasho la'aan dhigtay 49 kun oo Arday

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Xarunta cilmi baarista Siyaasadda Soomaalida oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Laascaanood ayaa soo saartay cilmi baaris ka hadlaysa xaalka magaalada.

In ka badan 49 kun oo Arday ayay diraasadooda ku sheegeen in ay waxbarasho la'aan dhigtay colaada Somaliland ee gobalka Sool iyada oo ay ku shaqo seegan yihiin in ka badan 2 kun oo macalin.

Talo soo jeedinta xarunta ayaa waxaa kamid ah in gudaha bishan septemper ay ciidamada iyo dadka degey isaga baxaan dhamaan xarumaha waxbarashada isla markaana la bilaabo dib u hawlgalintooda.

Iskuulada iyo jaamacadaha xirmay ayaa waxaa qaybtood loo badalay isbitaalo waxaana kamid ah jaamacadda Nugaal oo iyada Isbitaal ah ay Garowe Online booqatay bilawgii dagaalka waxaana ku dhacay madaafiicda ciidamada Somaliland ay mudadaas 8 bil ah ku garaacayeen magaalada.

Diraasadda ayaa diirada saartay muhiimada in laga wacyigeliyo bulshada haraadiga hubka iyo in la sameeyo Hay'ad si deg-deg ah uga hawlgasha aruurintiisa.

Somaliland ayaa 15 sano oo ay haysatay gobalka Sool waxaana deegaankaasi lagu qaban hal dood iyo cilmi baaris ah halka maamulka Hargeysa uu markasta sheegan jiray mid ogol xoriyadda aragtida balse taas ayaa lagu micneeyay in bulshada gobalada SSC-Khaatumo aanay marna ka daadegin aragtida wax la qeybsiga Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM