Somaliland oo Xabsi ku xukuntay Wariye Coldoon

Image

HARGAYSA, Somaliland- Maxkamad ku taalla magaalada Hargaysa ayaa maanta la horkeenay kiiska loo haysto Wariye Cabdimaalik Muse Coldoon oo tan iyo bishii Febraayo ku xiran xarunta maamulkaas, kadib booqasho uu ku tagay Muqdishu.

Dacwaddan oo qaadisteedu dhowr jeer oo hore dib loo dhigay, ayaa wararku sheegayaan in lasoo afmeeray kadib markii Maxkamaddu go’aamisay in Labo Sano oo xarig ah dusha loo saaro Coldoon.

Maxkamadda ayaa xukunkaas u xuskatay tallaabooyin kala duwan oo ay kamid tahay inuu Wariyahan maleegayay arrimo liddi ku ah jiritaanka Somaliland.

Balse, qareenka u doodayay Coldoon ayaa gaashaanka ku dhuftay, tallaabadaas isagoo beeniyay inuu Samafalahan galay wax dambi ah.

Waxay sheegeen inay ka qaadan doonaan racfaan ku aaday kiiska dusha laga saaray.

Arrintan ayaa timid kadib markii Somaliland ka dhago adaygatay  dalabyo kala duwan oo uga imaanayay ururrada Saxaafadda iyo kuwa bulshada taasoo laga dalbanayay inay siiso xoorriyadiisa wariye Coldoon.

Somaliland ayaa noqotay sannadkan cusub maamulka ugu xirista Badan wariyaasha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM