Somaliland oo xaraashatay Hantidii Qaranka.

Image
Image

Hargeysa, Soomaaliya - Maamulka Somaliland ayaa dumin ku bilaabay qeyb kamid ah kheyriyadii Hargeysa.

Warar soo baxaya ayaa xaqiijinaya in halkaan oo daar dheer ay ka dhisnayd ay Madaxtooyada Somaliland ka gaday Ganacsato.

Xildhibaan Yaasiin Cumar Yare oo la hadlay warbaahinta Maxaliga ayaa sheegay in aysan iyagu ogayn cidda duminaysa habeenimadaan balse ay joojiyeen dhismaha.

Dhawaan Hantidhawraha guud ee Dowlada federaalka Soomaaliyeed, Axmed Ciise Guutaale ayaa ka hadlay Dekeda Garacad oo uu sheegay in Puntland iibisay xeryihii ciidamada ee Kabida laakiin dowlada federaalka marna masoo hadal qaadin wixii Somaliland ay sodonkaas sano la maqnayd iyo Hantidii dowlada ee gobalada Togdheer iyo waqooyi galbeed taala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM