Somaliland oo xayiraadda ka qaadey shirkadda Fly Dubai

Image

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland ayaa Khamiista maanta ah waxay xayiraadda ka qaadey shirkada duulimaadyadda Fly Dubai, sida ay shaaca ka qaadey hay'adda duulista hawada maamulkan.

Cumar Sayid, agaasimaha guud ee hay'addaas oo u waramay warbaahinta maxaliga ah, ayaa tibaaxay in talaabadan ay ka dambeysay markii shirkadda ay bixisay "raaligelin buuxda".

Maamulka Hargeysa ayaa xayiraada saarey shirkadan ka gedaal markii ay u hogaansantay amar kaga yimid dowlada federaalka oo la xiriira in aysan mari karin guud ahaan hawada Soomaaliya.

Xukuumadda fadhigeedu yahay magaala madaxda Muqdisho ayaa xayiraadaas u saartey sababo la xiriira xakameynta safmareenka Coronavirus kaasoo dunida kala xiray horaantii 2019-kii.

Dhanka kale, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa maanta sababo aan la ogeyn iskaga casilay xilka afhayeenka Guurtida Somaliland oo kamid ah labada aqal ee uu ka kooban yahay baarlamaanka maamulkan.

Muuse Biixi Cabdi, oo ah madaxweynaha maamulkan ayaa la sheegay in uu aqbalay shaqo ka tagida Saleebaan oo timid xilli dhowaan ay qabsoontey doorashooyinka dowladaha hoose iyo xeer-dejinta.

Xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID oo hantay aqlabiyadda ugu badan ee baarlamaanka ayaa ku heshiiyey in ay kala qeybsadaan xilalka afhayeenka guud ee golaha iyo labadiisa ku xigeeno.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM