Somaliland oo xirtay xuduudaheeda xili ay sii korortay cabsida COVID-19

Image

HARGEYSA, Somaliland – Somaliland ayaa xirtay xuduudaheeda isla markaana joojisay isu socodka marka laga yimaado cuntada, shidaalka iyo daawooyinka caafimaadka xili ay jirto cabsida faafitaanka COVID—19.

Guddiga ka hortagga caabuqaas ee maamulka gooni-u-goosadka ah ayaa sheegay in ay karan-tiil 14 maalmood ah la gelin doono dhamaan dadka kasoo degaya garoomada.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa faray shaqaalaha dowlada in ay iska joogaan gurigooda, marka laga reebo kuwa caafimaadka.

Go'aanadan ayaa imaanaya xili madaarka diyaaradaha Hargeysa laga qabtay in ka badan tobban ruux oo looga shakisan yahay xanuunka, wallow guddiga uu ku adkeystay in aysan ka muuqan astaamaha fayruska.

Dhanka kale, Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, ayaa sheegay in ay ciidamo ku daabuli doonan waddooyinka si u kala eryaan dadweynaha isu imaanaya.

Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho waxaa laga helay hal kiis oo Coronavirus ah. Muwaadin ka yimid China ayaa la nool. Wasaaradda Caafimaadka Federaalka ayaa la tacaaleysa xaaladiisa.

Talaabada ay Somaliland ku xirtay xuduudaheeda ayaa waxay kusoo aadeysaa maalmo kadib markii Jamhuuriyadda Jabuuti, oo xanuunka laga helay laba ruux oo socoto ah, ay shaacisay in ay hakisey dhaqdhaqaaqa xadka.

QORAALKA GUDDIGA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM