Somaliland oo xukun ku riday Cabdimaalik Muuse Coldoon

Image
Xukunkan ayaa kusoo aadaya iyada oo horey maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ay dambi ku wayday saxafiga.

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Racfaanka ee magaalada Hargeysa ayaa maanta xukun adag ku ridday Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo bilihii lasoo dhaafay u xirnaa maamulka Somaliland, kadib eedeymo culus oo loo jeediyey Wariyaha la xukumay.

Maxkamadda Racfaanka ayaa maanta oo Isniin ah 23-ka May 2022 ku xukuntay laba sanno oo xabsi ah iyo saddex Milyan oo lacagta Somaliland ah.

Xukunkan ayaa kusoo aadaya iyada oo horey maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ay u soo saartay go’aan ay ku shaacisay in wax dambi ah lagu waayey Coldoon, iyada oo amartay in laga sii daayo xabsiga, wuxuuna go’aankaasi soo baxay 3 Febraayo ee sanadkan.

Kadib waxaa go’aanka maxkamadda Maroodi-jeex Racfaan ka qaatay Xeer ilaalinta, waxaana kiiska sidaas loogu sii gudbiyey maxkamadda Racfaanka oo maanta xukun adag ku riday Coldoon.

Ehellada Wariyaha iyo qaar ka mid ah dadweynaha Somaliland ayaa si weyn u dhaleeceeciyey go’aanka ka soo baxay maxkamadda ee lagu xukumay Cabdimaalik oo sanadihii dambe waqtigiisa ku qaaday xabsiga.

Coldoon oo xabsiga loo taxaabay taariikhdu markay aheyd 23/08/2021-kii ayaa loo soo jeediyey eedeymo culus, sida dacaayad qaran dumisnimo ah, faafinta warar been abuur ah iyo aflagaadeyn siyaasiyiinta iyo golaha sharci dejinta ee Somaliland.

Sidoo kale eedeymaha kale ee loo soo jeediyey waxaa ka mid ah inuu warbixino liddi ku ah ka qoray Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo, doodaas oo meel sare gaartay.

Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo ku caan baxay arrimaha samafalka iyo u gargaarida dadka taabaleysan ayaa marar badan siyaabo kala duwan loogu xiray Hargeysa tan iyo markii uu Muqdisho yimid horaantii 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM