Somaliland: Puntland waxay doonaysaa xuduud qabyaaladeed

Image
Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ayaa afar qodob waxay kasoo saartey colaada xarunta gobolka Sool.

HARGEYSA, Somaliland - Golaha Wasiirada Somaliland ayaa afar qodob kasoo saarey qadiyadda Laascaanood kadib shirka todobaadlaha oo Khamiista maanta ay ku yeesheen magaaladda caasimadda ah ee Hargeysa.

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa guddoomiyey shirkan oo ay xaadireen inta badan xubnaha golaha xukuumadda isla markaana lagu lafa-guray colaadda ka oogan xarunta gobolka Sool.

Qodobada ayaa kala ah;

1) Wuxuu goluhu hambalyo iyo taageero u muujiyey ciidammada qalabka sida ee "heeganka iyo difaaca hadh iyo habeenba ugu jira dalkooda iyo dadkooda sidii ay u difaaci lahaayeen, una sugi lahaayeen amniga guud ee dalka".

2) Goluhu waxa uu caddaynayaa "in dagaalka Puntland ka waddo Magaalada laascaanood uu yahay mid ay ku doonayso in ay ku samayso xuduud qabyaaladeed, kaas oo saamayn ku yeelan kara xasilloonida iyo degenaanshiiyaha Geeska Afrika".

3) Goluhu waxa uu garawsan yahay "in ay Xukuumadda Somaliland iyo shacabkeeda Laascaanood ay heshiin doonaan, mar walba oo dagaal dhacana waa laga heshiiyaa, balse Goluhu waxa uu dul istaagay muhiimadda ay leedahay in Laascaanood laga sifeeyo ciidammada Puntland iyo kooxaha argagixisada ah ee ciidamada dagaalka kula jira, si loo sugo xuduudaha dalka".

4) Goluhu waxa uu "iftiimiyey in ay Somaliland mar kastaba diyaar u tahay in arrinta Laascaanood lagu soo dabbaalo nabadgelyo, xabbad-joojin iyo wada-hadal, intaan khasaaruhu intaa ka sii ballaadhan".

Dhawaqa Somaliland ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli xaalad daganaanshiyo aan cago badan ku taagneyd laga dareemayo gudaha Laascaanood isla markaana socdaal dadaalo la doonayo in wadahadal laga furo qadiyaddan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM