Somaliland: Qalbi Dhagax oo lagu soo dhaweeyay Hargeysa

Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Wafdi ka socda Jabhadda ONLF oo uu hogaaminayo Cabdikariin Sheekh Muuse [Qalbi Dhagax] ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, maanta oo Talaado ah.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hargeysa ayaa qayb ka ahaa xubnahihii Qalbi Dhagax kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Cigaal, halkaasi oo uu kula hadley warbaahinta.

Warar lagu kalsoonan karo ayaa xaqiijinaya in Qalbi Dhagax uu kulamo la leeyahay masuuliyiin uu ku jiro Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo ay isla soo qaadi doonan arrimo kala duwan.

Hogaanka xisbiyadda kala duwan ee Somaliland - muxaafad iyo mucaarad - ayuu qorsuhu yahay inuu Qalbi Dhagax la fariisto mudada uu caasimada gobolka Moraadi-jeex ku sugan yahay, sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo.

Isaga oo dareenkiisa kula wadaagayey warbaahinta dibadda garoonka diyaaradaha ee Cigaal kadib soo dhawayntiisa wuxuu carabka ku dhuftey inuu ku farax-san yahay qaabka loosoo dhaweeyay.

Qalbi Dhagax iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa kasoo dhoofey magaalada Nairobi ee caasimada dalka Itoobiya, halkaasi uu kulan kula soo yeesheen Aadan Bare Ducaale, hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya.

Tan iyo markii horaantii sanadkaan laga soo daayey Xabsi ku yaala Addis Ababa, halkaasi oo uu ku jirey mudo sanad ah, markii ay dhiibtey dowladda Soomaaliya, Qalbi Dhagax ayaa kulamo la qaadanayey dhinacyo kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM