Somaliland: Siyaasi ka faa'iidey kuraasta Sool iyo Sanaag

Image

HARGEYSA, Somaliland - Xilli natiijada doorashooyinkii ka dhacay Somaliland May 31, 2021 aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin, waxaa isa soo taraya warar la xiriira hardanka siyaasadeed ee ka dhexjira xisbiga Kulmiye gudihiisa iyo gobolo ama beelo gabi ahaanba diidey ka qayb galka xeerdejinta maamulkaas.

Aqalka Wakiilada Somaliland oo kuraastiisu ay ka kooban tahay 82 mudane ayaa guddiga doorashooyinka Jimcada maanta ah wuxuu shaaciyey in kuraas gaareysa 52 in xisbiyada ay ku kala guuleysteen.

Gobolada lasoo bandhigay natiijooyinka illaa haatan kasoo baxay doorashooyinka Aqalka Wakiilada Somaliland ayaa waxaa kamid ah Sool, Sanaag, Awdal iyo Togdheer.

Baratanka Gobolka Sool

Gobolka Sool oo qaybo kamid ah maamulka Somaliland hoos yimaado gaar ahaan caasimada Laascaano iyo degmooyinka ku xeeran waxaa ka dhacey tartan adag oo ah dhinaca golaha degaanka iyo aqalka Wakiilada.

Sadexda xisbi siyaasadeed ayaa soo sharaxay siyaasiyiin ku hardamaysa ku guuleysiga xubin aqalka Wakiilada kadib-na isu-taaga Afhayeenka aqalka baarlamaanka.

Siyaasiyiintan waxaa kamid ahaa wasiirkii hore ee arimaha dibada Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamud Fartoon [Kulmiye] oo ku guuleystay kursiga uu u baratamay iyo Cabdirizaq Khaliif [Waddani].

Gobolka Sool oo kuraasta Aqalka Wakiilada loo baratamayey ay ahaayeen 12 xildhibaan ayaa waxaa bulshooyinku u kala lahaayeen; 8 Beelaha Dhulbahante, 3 Beelaha Isaaq iyo hal Fiqi-shini.

Maxaa is-badaley hadda?

Sool oo ah gobolka ay beelaha Dhulbahante sida weyn u degaan ayaa sidoo kale wuxuu noqdey kan kaliya ee ay ka dhiibteen codadka ugu badan doorashooyinka qabsoomay todobaadkan.

Magaala madaxda gobolka ee Laascaano, Xudun, Caynabo iyo Taleex ayaa ah goobaha ay codadka ugu badan ka dhiibteen, sida ay muujineyso xog-uruurin la sameeyay.

Beelaha ayaa kuraasta waxay u kala heleen; Dhulbahante waxay Aqalka Wakiilada ka heleen 4 mudane, beesha Fiqi-Shini xubin halka Beelaha Isaaq qaateen 7 sharci-dejiye oo la sheegay in la geeyey intooda badan degmada Caynabo.

Dhinaca kale, Beelaha Dhulbahante ayaa, sida ku cad natiijadda uu shaaciyey guddiga doorashooyinka, waxay laba kursi ka kala heleen degmadda Buuhoodle iyo gobolka Sanaag.

Saameynta Maxamud Xaashi

Maxamud Xaashi ayaa waxaa uu ka mid yahay xubnaha sare ee xisbiga Kulmiye. Waxaa uu horey u soo noqdey Wasiirka duulista Hawada maamulka Somaliland kadib-na noqdey Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada dowladii madaxwayne Siilaanyo.

Xaashi oo ka soo jeeda beesha Habarjeclo ayaa marka uu xilka qabtey Madaxweyne Biixi wuxuu raadiyey inuu Madax u noqdo xisbiga Kulmiye balse taas waxaa diidey Muuse Biixi.

Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland ayaa, sida wararka Garowe Online helayo sheegayan, wuxuu muddo badan ku jirey olole hoose si awoodiisa xisbiga gudihiisa ku leeyahay u kordhiyo.

Xaashi ayaa, sida warsidaha GO fahansan yahay, 13 Xildhibaan kala soo baxey doorashooyinkii ka dhacey Somaliland gaar ahaan qaybo kamid ah gobolada Sool iyo Sanaag.

"Mudaneyaasha uu soo dhisay Xaashi waxay 7 kamid ah kala soo baxay gobolka Sool gaar ahaan magaalada Caynabo halka Sanaag uu kala yimid 6," ayay sheegeen illo wareedyo loo-qaateen ah.

Beelaha daga gobolka Sanaag gaar ahaan Warsangali ayaa gabi ahaanba qaadacey ka qayb galka doorashada taas oo, sida wararku sheegayaan, Maxamud Xaashi u sahashay in Shantii Xubnood ee beelahaas lahaayeen ku badalo beesha ee ka soo jeedo.

Wasiirkii hore ee duuliska Somaliland, Maxamuud Xaashi, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa shaqsiga ah ee Facebook wuxuu ku muujinayo ku qanacaanaantiisa natiijada doorashada, isagoo tibaaxay in musharaxiin ka tirsan xisbiyada mucaaradka ah kuwaas oo dowladdu diidaneyd iney guuleystaan lagaga adkadey.

Hadalka Xaashi ayaa u muuqda mid uu ku tusinayo Biixi sida midnimada xisbiga ay muhiim ugu tahay guulo uu kasoo hooyo doorashooyinka. Dhanka kale, warar soo baxay waxay xusayaan in madaxweynaha Somaliland xiriiro la sameeyay odayaasha Warsangali waydiistay in ay xubno u soo dirsadaan baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM