Tobanaan ku dhaawacmay dab qabsaday Madraso

Image

HARGEYSA, Somaliland – Ku dhowaad 50 qof ayaa ku dhaawacmay dab xalay qabsadey Madrso lagu barto Diinta Islaamka oo ku taala xaafadda 24-ka June ee caasimadda maamulka Somaliland ee Hargeysa, sidda lagu sheegay qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamadda dab-damiska maamulkaas.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka taliska, Madrsadda oo lagu magacaabaa Daaru Dacwa waxaa waqtiga uu dabku ka kacayey waxaa ku sugneyd In ka badan 200 iyo tobban macalimiin ama bareyaal.

Bayaanka oo lagu xusay in dabka uu qabsaday qeybta sarre ama saqafka ayaan lagu caddeyn sababta dhalisay. Balse, waxaa si aan dhab ahaan la xaqiijin la tuhunsan yahay in uu ka dhashay koronto.

"Ilaahey ayaa badbaadiyey dadkaas mooyee khasaaraha intaas wuu ka badan lahaa. Madrasadda ma aysan lahayn albaabo badan taas ayaana keentay in dadka ay isbuurtaan oo hal albaab kawada baxaan. Ma jirto wax dhimasho ah. Baaris ayaa ku socota waxa sababay dabka," ayaa la raaciyey warka kasoo baxay taliska Ciidanka Dab-damiska Somaliland.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay Garowe Online in dhaawacyadda oo isugu jira dad waaweyn, dhalinyaro iyo caruur yar-yar loona qaadey isbitaal qaarkood ay waxyeeladdu kasoo gaartey isbuurashadda.

Inta la og-yahay, waa tiradii ugu badneyd oo degaanadda Somaliland ay waxyeelo kasoo gaarto dab qabsaday xarun ay joogeen.

Kiisaska la xiriira dabka iyo shilalka baabuurka ayaa aad ugu dhow degaanadda Somaliland, sidda ay muujineyso xog-uruurinta xukuumadda, waxaana ugu wacan dayactir la’aanta jidadka qaar, wadayaasha oo xad-dhaaf u kaxeeyo iyo fiilooyinka koronto oo si hagaagsan loo maareyn magaalooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM