​Somaliland: Wariye lagu aasay Hargaysa

Image

HARGAYSA- Gudoomiyaha Barlamanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed  Cabdullaahi "Cirro"yo xubno katirsan golaha xukuumadda ayaa kasoo qayb galay aas qaran oo magalada Hargaysa loogu sameeyay Wariye Cabdulqaadir Maxamed Ciid "Baay", kaasoo saaka ku geeriyooday xarunta maamulkaasi.

Wariye Baay, oo u dhintay xanuun muddooyinkii dambe hayay, ayaa kamid ahaa wariyashada sida weyn looga yaqaano Caasumadda Hargaysa, waxaana aaskiisa ALLE looga baryay dambi dhaaf iyo inuu janna Fardowsa hoy uga dhigo.

Mas'uuliyiinta dhanka xukuumadda kasocotay ayaa marxuumka ku sifeeyay shakhsi aad u wanaagsan islamarkaana ka mid ah dadka dhinaca qoraalka lagu daydo.

Baay, mihnadiisa saxafinimo kasoo billaabay magalada Hargaysa oo ah halka uu ku dhashay, ayaa kamid ahaa saxafiyiinta qora qaar kamid ah jaraa'idyada kasoo baxa magalada, waloow muddooyinkii dambe xanuunsanaa.

Wuxuu ifka uga tagay 5 carruur ah iyo hooyadooda, waxaana aaskiisa maanta jooga Aabbihiisa oo kamid ah dhaqaatiirta Hargaysa.

Marxuumka oo da'da 50-ka madaxa lasii galayay, ayaa wax tacsi ballaaran u diray dhammaan mas'uuliyiinta goobta isugu tagta, baxda saxaafadda iyo asxaabtiisii.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM