​Somaliland: Wasiir hore oo Burco ku geeriyooday

Image
Image

BURCO-ALLAHA u naxariistee waxa magaalada Burco xarunta gobolka Togdheer ku geeriyooday wasiirkii hore ee wasaaradaha caafimaadka iyo shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo  kamid ahaa wasiirradii dhawaan xilka iska casilay Cabdi Aw Daahir.

Geerida Aw Daahir oo uu warbaahinta u xaqiijiyey wasiirkii hore ee kalluumaysiga Somaliland Cabdilaahi Geeljire, ayaa la sheegay inay timi kadib xanuun kedis ah oo dhinaca wadnaha kaga soo booday, waxana loola cararay oo ku nafbaxay cisbitaalka weyn ee Burco.

Dr Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa hormood u ahaa wasiiradii dhammaadkii sanadkii tegay 2015-ka sida wadar ahaanta ah iskaga casilay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxana uu haatan kamid ahaa garabka xisbiga Kulmiye ee sida weyn u diidan musharraxnimada guddoomiye Muuse Biixi.

Sidoo kale Dr Cabdi Aw Daahir, ayaa ahaa  siyaasiyiinta caanka ka ah Somaliland, waxana uu wax ka aasaasay xisbigii UDUB, isagoo markii dambena ku biiray xisbiga Kulmiye, isla-markaana kamid noqday golaha wasiirrada madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland, Guddoomiyayaasha Axsaabta, shacabka iyo Siyaasiyiinta, ayaa si isku mid ah tacsi tiiraanyo leh ugu diray ehelka iyo qaraabada uu ka baxay marxuum Cabdi Aw Daahir, waxana ay EEBBE uga baryeen inuu Samir iyo Iimaan ka siiyo, marxuumkana jannooyinkiisa ka waraabiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM