​Somaliland: Wasiir hore oo Burco ku geeriyooday

Image
Image

BURCO-ALLAHA u naxariistee waxa magaalada Burco xarunta gobolka Togdheer ku geeriyooday wasiirkii hore ee wasaaradaha caafimaadka iyo shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo  kamid ahaa wasiirradii dhawaan xilka iska casilay Cabdi Aw Daahir.

Geerida Aw Daahir oo uu warbaahinta u xaqiijiyey wasiirkii hore ee kalluumaysiga Somaliland Cabdilaahi Geeljire, ayaa la sheegay inay timi kadib xanuun kedis ah oo dhinaca wadnaha kaga soo booday, waxana loola cararay oo ku nafbaxay cisbitaalka weyn ee Burco.

Dr Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa hormood u ahaa wasiiradii dhammaadkii sanadkii tegay 2015-ka sida wadar ahaanta ah iskaga casilay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxana uu haatan kamid ahaa garabka xisbiga Kulmiye ee sida weyn u diidan musharraxnimada guddoomiye Muuse Biixi.

Sidoo kale Dr Cabdi Aw Daahir, ayaa ahaa  siyaasiyiinta caanka ka ah Somaliland, waxana uu wax ka aasaasay xisbigii UDUB, isagoo markii dambena ku biiray xisbiga Kulmiye, isla-markaana kamid noqday golaha wasiirrada madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland, Guddoomiyayaasha Axsaabta, shacabka iyo Siyaasiyiinta, ayaa si isku mid ah tacsi tiiraanyo leh ugu diray ehelka iyo qaraabada uu ka baxay marxuum Cabdi Aw Daahir, waxana ay EEBBE uga baryeen inuu Samir iyo Iimaan ka siiyo, marxuumkana jannooyinkiisa ka waraabiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Biixi: Dhaqangelinta heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland waa mid aan la joojin karin

Laakin inta badan xubnaha beesha caalamka waxay u taagan yihiin midnimada Soomaaliya oo dhan taasoo wargelinaysa abaabulka kheyraadka iyo dirista.

  • Somaliland

    20-05-2024

  • 05:11PM

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM