Somaliland: Xisbi mucaarad oo hantey aqlabiyada xeerdejinta

Image

HARGEYSA, Somaliland - Guddiga doorashada Somaliland oo shaaciyey natiijada Hordhaca ah ee doorashada golaha degaanka degmada Hargeysa ayaa xisbiyada ugu kala guuleyateen sidatan; Wadani 7 Kursi, Kulmiye 6 Kursi iyo Ucid oo ku guuleyatey 4 Xubnood.

Natijadaan ayaa ka dhigeysa in Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ku guuleyatey inuu soo dhiso golaha degaanka magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa.

Cabdikarim Axmad Mooge oo ku ololeeyey barnaamij qabiil diid ah ayaa heley codadka ugu badan natiijada golaha degaanka Hargeysa ee la shaaciyey. Mooge ayaa codad 26,299 ka kasbadey dadweynaha dagan magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa.

Cabdikarim ayaa waxaa dhaley fanaankii caanka ahaa ee Axmad Mooge. Xisbiga Wadani ayaa kuraasta ugu badan ka heley doorashada golaha degaanka magaalo madaxda gobolka Maroodijeex.

Xisbiga Talada haya ee Somaliland ayaa lagala wareegey aqlabiyada Aqalka Wakiilada ee maamulkaas. Xisbiga Wadani ayaa natiijooyinkii hordhaca ahaa ee doorashada aqalka wakiilada heley 31 Xildhibaan, Kulmiye 30 mundane iyo Ucid oo 21 Kursi.

Natijadii ugu dambeysay gobolka Maroodijeex doorashada aqalka Wakiilada ayaa Wadani waxaa ku guuleyatey 7 xubnood, Kulmiye 6 mundane iyo Ucid 4 Kursi.

Barkhad Jamac Batuun oo ka soo tartamay qabaa’ilada laga tirabadan yahay ayaa doorashada Somaliland ee aqalka Wakiilada heley codadka ugu badan, isagoo ku guuleyatey 20,231 Cod. Barkhad oo ka tirsan Xisbiga Wadani ayaa Barlamanka ka soo galay gobolka Maroodijeex.

Dumarka oo aan kamid noqon aqalka Wakiilada Barlamanka Somaliland. Natiijooyinka hordhaca ah ee la shaaciyey aya Barlamanka Maamulka Somaliland 31 Xubnood waxaa heley Wadani, Kulmiye 30 iyo Ucid oo ku guuleyatey 21 xildhibaan, dhamaan xubnahan ayaa wada ah Rag.

Haweenka ayaa u tartamay kuraasta balse ma helin codad ku filan iney kamid noqdaan Aqalka Waakiilada. Tani waxay la macno tahay in qoondada haweenka ee baarlamaanka maamulka Somaliland aysan hirgelin sanadkan iyaddoo horey ay caqabado ballaaran uga jireen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM