Somaliland: Xisbiga Wadani oo wadahadal la bilaabaya xubnahii ka baxey Kulmiye

Image

HARGEYSA- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ahna guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa guddi shan xubnood ka kooban u magacaabay sidii ay ugu gogol xaari lahaayeen wada hadal xisbigiisu la gelayo xubnaha siyaasiyiinta ah ee  ku bahoobay garabkii dhawaan ka go’ay xisbiga talada haya ee Kulmiye.

War-saxaafadeed uu guddoomiye Cirro soo saaray, ayaa lagu sheegey in xubnahan uu magacaabay yihiin guddi xisbigiisa u meteli doonta wada-hadalka ay la geli doonaan siyaasiyiinta ku bahoobay isbahaysiga ka go’ay xisbiga Kulmiye, kuwaas oo lagu wado iney dhawaan si rasmi ah ugu biiraan xisbiga Waddani.  

Shanta xubnood ee uu guddoomiye Cirro u magacaabay gogol xaarka wada-hadalka labada dhinac ayaa kala ah; Maxamed Cabdillahi Uurcade, Jamaal Jaamac Xaamud,Cabdirashid Xasan Mataan, Cabdi Haybe Maxamed iyo Maxamed Nuur Caraale(Duur).

Isbahaysiga garabka hore uga go’ay xisbiga Kulmiye, ayaa waxa ku jira xubno misaan siyaasdeed iyo saamayn balaaran ku leh Somaliland oo uu kamid yahay wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo siyaasiyiin kale kuwaas la filayo inay cudud siyaasadeed kusoo kordhiyaan Xisbiga Waddani haddii ay is afgartaan wadahadalkaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM