​Somaliland:Taliye toogasho lagu dilay gobolka Saaxil

Image

HARGAYSA-Taliyihii  Booliska ee qaybta gobolka Saaxil Kabtan Cabdirisaaq Yuusuf Casayr, ayaa dablay hubaysan ku dileen inta u dhaxaysa degmada Sheekh iyo Berbera, sida saraakiil ciidanka katirsan noo xaqiijiyeen.

Lama garanayo cidda dilka gaysatay, balse taliyaha dhintay ayaa qayb ka ahaa wafti ku howlanaa daminta  shaqaaqo ka dhalatay dhismaha dekedda macmalka ah ee Ceel-garde.

Taliyaha waxaa lasocday xubno ay kamid ahaayeen gudoomiye ku-xigeenka gobolka Saaxil oo isaga laftiisa wararku sheegayaan inuu dhaawacmay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka iyo xukuumadda Somaliland, waxase la hubaa in ciidamo badan oo Boliis ah iyo saraakiil xukuumadda katiran u baxeen dhinaca magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

Dilka taliyahan ayaa kusoo beegmaya xilli muddo  ka hor isla-gobolka lagu toogtay taliye sare oo ciidanka Boliiska ka tirsanaa,  inkastoo askarigii dilkaas geystay muddo kadib laftiisa la toogtay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM