​Somaliland:Taliye toogasho lagu dilay gobolka Saaxil

Image

HARGAYSA-Taliyihii  Booliska ee qaybta gobolka Saaxil Kabtan Cabdirisaaq Yuusuf Casayr, ayaa dablay hubaysan ku dileen inta u dhaxaysa degmada Sheekh iyo Berbera, sida saraakiil ciidanka katirsan noo xaqiijiyeen.

Lama garanayo cidda dilka gaysatay, balse taliyaha dhintay ayaa qayb ka ahaa wafti ku howlanaa daminta  shaqaaqo ka dhalatay dhismaha dekedda macmalka ah ee Ceel-garde.

Taliyaha waxaa lasocday xubno ay kamid ahaayeen gudoomiye ku-xigeenka gobolka Saaxil oo isaga laftiisa wararku sheegayaan inuu dhaawacmay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka iyo xukuumadda Somaliland, waxase la hubaa in ciidamo badan oo Boliis ah iyo saraakiil xukuumadda katiran u baxeen dhinaca magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

Dilka taliyahan ayaa kusoo beegmaya xilli muddo  ka hor isla-gobolka lagu toogtay taliye sare oo ciidanka Boliiska ka tirsanaa,  inkastoo askarigii dilkaas geystay muddo kadib laftiisa la toogtay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM