Soomaaliya: Dagaal culus oo dhex maray Ciidamada Somaliland iyo Mucaaradka

Image

GACAN LIBAX, Soomaaliya - Dagaal ayaa caawa ka dhacay deegaanka Derimira oo ka tirsan degmada Mandheera, waxuuna dagaalku dhex maray maleeshiyaadka mucaaradka ah iyo ciidamada Somaliland.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii xoogag ka tirsan kuwa Jabhadda Gacan-libaax ay la wareegeen deegaanka Derimira, ciidamada dowladda ayaa ka hortageen iyaga oo ka cabsi qaba in mucaaradku ay gacanta ku dhigaan dhul hor leh.

Goordhow ayuu dagaalka istaagay, halka ay wararku sheegayaan iney jiraan dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah, iyadoo aysan jirin wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dowlada iyo mucaaradkaba.

Garowe Online oo la hadlay xogogaal ayaa ogaadey in gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland oo dhowaan la doortey Yaasiin Xaaji Faratoon iyo xildhibaano kale ay doonayan inay kala dhax galaan oo isku soo dhaweeyaan labada garab ee is heysta.

Xogta ayaa sidoo kale sheegeysa in ciidamada dowlada ay isu diyaarinayaan iney weerar kale ku qaadaan maleeshiyaadka mucaaradka ah ee ku sugan buurta Gacan-Libaax.

Siyaasiyiinta Somaliland ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara in ciidamada dowladda loo diro furimaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka mucaaradka.

Somaliland ayaa gashay marxalad adag, iyada oo isku-dhacyadani ay saameeyeen nolosha bulshada, maadaama saacado ka hor uu hakad ku yimid adeegga lacagaha la isugu diro ee Zaad.

Jabhadda Gacan-Libaax ayaa ka dhigan garabka ciidan ee mucaaradka, waxayna ku baaqayaan in mucaaradka laga qeyb galiyo hanaanka siyaasadeed, muuse biixina uu ka tanaasulo danihiisa gaarka ah, iyo in la helo cadaalad bulsho iyo mid siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM