Soomaaliya: Wasiir Kaahin oo sheegay cidda ka dambeysa Jabhadda Gacan Libaax

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo shir jaraa’id qabtay saacadihii la soo dhaafay, ayaa ka hadlay weerarro lagu soo qaaday ciidamada Somaliland ka amar qaata Muuse Biixi.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa eedeymo fara badan u jeediyay musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, isagoo carabka ku adkeeyay in hogaamiyayaasha jabhadaasi ay yihiin dad u dhow oo qoyskiisa ka mid ah, isla markaana ay cadeymo ka hayaan.

Wasiirku waxa uu sheegay in C/raxmaan Cirro uu hormuud u yahay dedaallo lagu doonayo in lagu qalqalgeliyo ammaanka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay, isagoo qas ka abuuraya magaalooyinka Burco, Ceeri Gaabo iyo Hargeysa.

Shirkan jaraa'id ay si wadajir ah u qabteen wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Booliska Somaliland ayaa imaanaya kadib markii shalay ay jabahadda Gacan Libaax dagaalo ku dileen 9 askari ayna dhaawaceen 17 askri.

Iska hor imaadyo isdaba joog ah ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay dhex marayay ciidamada Somaliland iyo kuwa Jabhadda, kadib markii Muuse Biixi uu ciidamo u diray inay ka hortagaan Jabhadda oo gabaad ka dhigtay buuraha.

Go’aanka Jabhadda mucaaradka ee ah in ay hub qaataan, waxa uu ku yimi sidii ay iskaga horkeeni lahayd hayb-sooca siyaasadeed ee qabaa’ilka qaarkood iyo jawaab-celinta waxa ay u arkeen "siyaasaddii kali-taliska ahayd" ee madaxweyne Muuse Biixi.

Waxaa laga yaabaa in xaalada gobolka ay kasii darto hadii aysan labada dhinac joojin colaadaasi, oo aan la dhagaysan aragtiyada kala duwan, iyadoo Muuse Biixi uu wajahayo xiisado soo noqnoqday oo ka taagan gobolka Sool iyo guud ahaan Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM