Soomaaliya: Xiisada Somaliland oo cirka isku sii shareeraysa

Image

HARGEYSA - Somaliland waxa soo food saartay qalalaase siyaasadeed oo halis ku ah xasiloonideeda khilaafkaas waxa uu ku xeeran yahay wakhtiga iyo sida ay isugu xigaan labada hab oo doorasho: doorashada madaxtooyada iyo mida xisbiyada siyaasadda.

Is mari waaga ka dhex taagan xisbiga talada haya iyo mucaaradka ayaa durba keenay xiisado iyo gacan ka hadal, taas oo laga cabsi qabo inay sii kororto.

Tan iyo 1991-kii, Somaliland raadinaysay aqoonsi, iyadoo suuq gaysay doorashooyin ay ku sheegtay in si dimuqraadi ah u qabatay. Si kastaba ha ahaatee, ismariwaaga siyaasadeed ee hadda jira wuxuu halis ku yahay inuu wiiqo guulahaas.

Nuxurka khilaafka xisbiga talada haya iyo mucaaridku waxa uu ku salaysan yahay doorashada horreyn doonta midda madaxtooyada iyo xisbiyada siyaasadda. Xisbiga talada haya Kulmiye ayaa ku adkeysanaya in doorashada ururada xisbiyada siyaasadda la qabto ka hor doorashada madaxweynaha, halka mucaaridkuna ay qabaan in la hormariyo tan madaxtooyada.

Ismari waaga siyaasadeed ee daba dheeraaday iyo hubanti la’aanta ayaa durba horseeday qalalaase dhanka ammaanka ah, oo ay ku jiraan dagaalo ciidamada dowladda iyo kooxaha taabacsan mucaaradka ku dhexmaray buuraha Gacan Libaax. Rabshadahan ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, taasoo keentay in xiisaddu ay sii xumaato.

Qalalaasuhu ma aha oo kaliya inay khatar gelinayaan xasiloonida Somaliland, balse waxay sidoo kale fursad siinaysaa kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab inay ka faa’iidaystaan. Intaas waxaa dheer cabsi laga qabo  inay dhacaan rabshado kale oo colaad ka dhax abuureysa beelaha walaalaha ah.

Si looga hortago in dhibaato kale dhacdo, xalna loo helo, saaxiibada Somaliland ee caalamiga ah waa inay door firfircoon ka ciyaaraan dhexdhexaadinta dhinacyada is heysta. Cadaadis isku dubaridan oo ka imaanaya wadamada reer galbeedka, Imaaraatka Carabta, Taiwan iyo kuwa kale ayaa gacan ka geysan kara dejinta xiisadda.

Mudnaanta kowaad ayaa ah in xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridku ay go’aan ka gaaraan jadwalka doorashada. Xallinta xiisadda taagan ka sokow, waxaa lagama maarmaan ah in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo hannaanka siyaasadeed ee Somaliland.

Wax ka qabashada daldaloolooyinka ku jira sharciga doorashada, xoojinta hay'adaha, iyo kor u qaadista ka-qaybgalka bulshada ee siyaasadda si loo dhimo awoodda qabiilka ayaa ah tillaabooyinka muhiimka u ah in la abuuro jawi siyaasadeed oo xasilloon.

Sidoo kale, wax ka qabashada khilaafaadka dhaqan-dhaqaale iyo horumarinta dhaqanka siyaasadeed ee ku dhisan is-afgaradka waxay gacan ka geysan kartaa dhimista xiisadaha, waxayna ka qayb qaadanaysaa barwaaqada Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM