Taiwan oo gargaar gaarsiiyay Somaliland oo hal mushkilad wadagaan

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Taiwan ayaa sheegay in uu 150,000 oo ah tallaalka Medigen COVID-19 ay gaarsiiyay Maamulka Somaliland, wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan ayaa ku sheegtay qoraal ay soo saartay maanta oo Isniin ah.

Taiwan ayaa malaayiin face mask ah iyo alaabo kale ugu deeqday qaar ka mid ah maamulada ay xiriirka la leedahay iyada oo fulinaysa barnaamijka ay ugu magac dartay "Taiwan way caawin kartaa, Taiwan way caawinaysaa" si ay u tusto maamulada gooni u goosadka ah in ay xubin ka tahay beesha caalamka, inkasta oo laga joojiyay inta badan caalamka. sababtoo ah waxaa diidan Shiinaha.

Wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan ayaa sheegtay in qiyaasta tallaalka oo ay samaysay shirkadda Medigen Vaccine Biologics Corp ay soo gaadhay magaalada Hargeysa Axaddii, waxaana madaarka kaga hortagay wasiirka caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafadhi iyo wakiil Taiwan u jooga Hargaysa, Allen Lou.

“Iyada oo laga duulayo qiyamka ay wadaagaan ee dimuqraadiyadda iyo xorriyadda ka dhexeeya Taiwan iyo Somaliland, waddankeenu waxa ay sii wadi doontaa xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dhinac, si wada jir ah loola dagaallamo masiibada caalamiga ah iyo difaacidda qiyamka caalamiga ah,” ayay hadalkeeda ku dartay wasaaraddu.

Somaliland ayaa sheegatay in ay ka go'day Soomaaliya inteeda kale 1991-kii, balse ma helin aqoonsi caalami ah oo ku saabsan madax-bannaanideeda. Gobolka ayaa inta badan ahaa nabad halka koofurta iyo bartamaha Soomaaliya uu la daalaa dhacaysay dagaallo sokeeye oo mudo sodon sano ah.

Taiwan iyo Somaliland waxay xafiisyo wakiilo ka samaysteen labadooda caasimadood sanadka 2020.
Shiinaha oo ku andacoonaya in Taiwan ay hoostagto iyo Soomaaliya ayaa muujiyay sida ay uga soo horjeedaan Taiwan iyo Somaliland oo xiriir la samaystay ka digay cawaaqibka ka dhalan kara.

Tallaalka Medigen wuxuu ilaa hadda helay aqoonsi caalami ah oo xaddidan, laakiin taageero xooggan oo ka yimid maamulka Taiwan, oo taageertay horumarkeeda qayb ahaan cabsida laga qabo in Shiinuhu carqaladeeyo iibsashada tallaallada caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM

Itoobiya oo ciidamo boolis ah u tababaraysa maamulka Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, lama bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska.

  • Somaliland

    09-05-2024

  • 05:20PM