Talaabo uu Biixi qaaday oo Somaliland loogu dacweynayo UN-ka

Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland – Seychelles ayaa si adag u cambaareysay sii deynta 19 ruux oo Jaziiraddaasi ay xukuno xabsi ugu riday burcad-badeednimo balse todobaadkii hore uu cafiyey madaxweynaha Somaliland.

War qoraal ah oo ay Jamhuuriyadaasi u dirtay maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa ayay ku sheegtay in ay aad uga soo horjeedo cafiska Muuse Biixi Cabdi oo ay ku sifeysay "mid baalmarsan heshiisyo ay kala saxiixdeen".

Xubnaha xoriyadooda dib u helay oo degaanadii ay kasoo jeedeen lagu celiyay isbuucii horey ayaa waxaa xabsiyadda Somaliland loosoo wareejiyay sanadkii 2012-kii oo ay ku jireen tan iyo maalintii lasii daayay.

Sidda ku xusan bayaanka, heshiiska maxaabiista isu wareejinta iyo haynta, waxay Somaliland iyo Seychelles ay kala saxiixdeen bishii April ee sanadkii 2011-kii, gaar ahaan Shirkii Arrimaha Soomaaliya ee London.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay ashtako iyo codsi u direyso Guddiga Sare ee Mauritius iyo Bad-weynta Hindiya, Gudoonka Kooxda Ilaalinta Xeebaha Soomaaliya, xafiiska xoghayaha UN-ka iyo Golaha Ammaanka.

Dalabkaasi ayaa wuxuu yahay in ay taageeraan cambaareynta talaabada Biixi ayna ka qaataan dareen gaar ah maadaama ay "dhiirogelineysa falalka burcad-badeednimo ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya".

Dhinaca kale, Somaliland oo ka jawaabtay cambaareynta Seychelles ayaa qiil ka dhigatay heshiis kale oo xeerinaya in maxaabiista burcadbadeed lasii daayo iyaddoo loo eegayo arrimaha bini'aadanimadda.

Seychelles ayaa haysata heshiisyo caalami ah oo ay kula jirto wadamo kala duwan kaasi oo ku aadan in ay maxkamadeyso shaqsiyaadka Soomaalida ah ee lagu soo eedeeyo falalka burcad-badeednimadda ah.

Burcad-badeeda la sheego in uu ka jiraan xeebaha Soomaaliya oo dagaalkooda soo bilowday sanado kahor ayaa mudooyinkii dambe yaraadey, iyadda oo sababta lagu sheegay howlgalada ka dhanka ah oo la xoojiyey.

Somaliland ayaa sheegata in ay tahay mid ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale balse caalamka oo dhan wuxuu u aqoonsan yahay maamul goboleed hoostaga xukuumadda federaalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM

Itoobiya oo ciidamo boolis ah u tababaraysa maamulka Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, lama bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska.

  • Somaliland

    09-05-2024

  • 05:20PM