Taliskii ciidanka Somaliland ee Laascaanood oo lala wareegay

Image
Askarta maamulka Hargeysa ayaa isku dayay in ay Laascaanood kasoo galaan dhinaca Galbeed.

HARGEYSA, Somaliland - Dadka degaanka magaalada Laascaanood ayaa la wareegay Taliska Guulwadayaasha oo ahaa fariisinka ciidamada Somaliland ee galbeedka magaaladda Laascaanood.

Guulwadayaasha oo xero iyo fariisin u ahaa sarkaalka lagu magacaabo Mahad Cambaashe oo kamid ahaa saraakiisha Somaliland ee gobalka ayay soo bandhigeen ciidamada deegaanku iyaga oo la wareegay.

Sidoo kale gurigii Mahad Cambaashe ayaa lala wareegay waxaana wararku ay sheegayaan in uu baxsada. Warar kale waxay xusayaan in uusan goobran ku sugneyn muddooyinkii dambe.

Afhayeenka guddiga Aayo ka tashiga SSC, Cabdirisaaq Maxamed Xasan (Falaalug), ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in Cambaashe uu ku sugan yahay Goojacade.

Falaalug ayaa intaas ku daray in guriga loogu tagay agab ciidan oo ay kamid yihiin taangiyo iyo qori zuug ah waxaana uu sheegay in wax waliba ay yaaleen xarunta.

Ciidamada Somaliland ayaa isku dayay in ay Laascaanood kasoo galaan dhinaca galbeed si ay dhabar jabin ugu sameeyaan dadka deegaanka ee la dagaalamaya balse qabsashada taliskaan ayaa ka dhigan in ay markale ku hungoobeen doonistooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ciidamo boolis ah u tababaraysa maamulka Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, lama bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska.

  • Somaliland

    09-05-2024

  • 05:20PM

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM