Taliskii ciidanka Somaliland ee Laascaanood oo lala wareegay

Image
Askarta maamulka Hargeysa ayaa isku dayay in ay Laascaanood kasoo galaan dhinaca Galbeed.

HARGEYSA, Somaliland - Dadka degaanka magaalada Laascaanood ayaa la wareegay Taliska Guulwadayaasha oo ahaa fariisinka ciidamada Somaliland ee galbeedka magaaladda Laascaanood.

Guulwadayaasha oo xero iyo fariisin u ahaa sarkaalka lagu magacaabo Mahad Cambaashe oo kamid ahaa saraakiisha Somaliland ee gobalka ayay soo bandhigeen ciidamada deegaanku iyaga oo la wareegay.

Sidoo kale gurigii Mahad Cambaashe ayaa lala wareegay waxaana wararku ay sheegayaan in uu baxsada. Warar kale waxay xusayaan in uusan goobran ku sugneyn muddooyinkii dambe.

Afhayeenka guddiga Aayo ka tashiga SSC, Cabdirisaaq Maxamed Xasan (Falaalug), ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in Cambaashe uu ku sugan yahay Goojacade.

Falaalug ayaa intaas ku daray in guriga loogu tagay agab ciidan oo ay kamid yihiin taangiyo iyo qori zuug ah waxaana uu sheegay in wax waliba ay yaaleen xarunta.

Ciidamada Somaliland ayaa isku dayay in ay Laascaanood kasoo galaan dhinaca galbeed si ay dhabar jabin ugu sameeyaan dadka deegaanka ee la dagaalamaya balse qabsashada taliskaan ayaa ka dhigan in ay markale ku hungoobeen doonistooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM