Taliye ka tirsanaa booliska Somaliland oo dagaal lagu dilay

Image
Macluumaadka ayaa intaasi ku darayaan waxay in dagaalka ay ku dhaawacmeen askar kale.

HARGEYSA, Somaliland - Taliyihii Boolsika degmada Xudun ee gobolka Sool, Cismaan Maxamuud Saalax, ayaa Isniinta maanta ah ku ku geeryooday iska horimaad, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dhanka ammaanka.

Sida laga soo xigtey warbixinadda laga helayo laamaha ammaanka, tacshiiada ayaa waxay dhexmartay booliska gobolka Sool iyo kooxo soo weeraray saldhigga booliska ee degamada Xudun.

Tafaasiisha ayaa intaas ku dareysa in taliyaha uu u dhintay dhaawaca soo gaarey. Rag hubrysan waxaa la sheegay inay ka ganacsanayeen waxyaabaha maanka dooriya ku dhex-maray degmada Xudun.

Macluumaadka ayaa intaasi waxay ku darayaan in dagaalka ay ku dhaawacmeen askar kale oo ka tirsan Ciidamada Somaliland, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka degmada Xudun.

"Lix kamid ah ciidamada Bilayska ee Somaliland ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen hawlgalkan," ayuu yiri wariye madax-banaan oo khadka telefoonka ugu waramay warsidaha Garowe Online.

Duqa degamada Xudun ee gobolka Sool, Maxamed Jaamac Xirsi oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da, ayaa xaqiijiyey geerida marxuumka isaga oo uga tacsiyeeyay qoyskiisa iyo qaraabadiisa.

"Wararkii ugu dambeeyay ee dhacdada aan ka helayno waxay sheegayaan in ciidamada ay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah dableeydii hubeysneyd halka kuwo kale ay baxsadeen waana lagu raadjoogaa," ayuu raaciyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM