UCID oo war kale kasoo saarey kulankii Farmaajo iyo Faysal Cali Waraabe

Image

HARGEYSA, Somaliland - Xisbiga UCID ayaa war kale kasoo saarey eedeyn uga timid dhigiisa WADDANI, oo ku aadan in maamulka Muuse Biixi uu u diray Faysal Cali Waraabe shirkii Brussels iyo inuu lasoo kulmo Madaxweyne Farmaajo.

War qoraal ah oo uu kasoo baxay UCID ayaa lagu sheegay in haba yaraatee aanay waxba ka jirin eedaasi, islamarkaana Madaxweyne Farmaajo uu isagu dalbaday inuu la kulmo Faysal Cali Waraabe xilli uu ka qeybgalayay Shirkii Brussel.

Xisbiga UCID ayaa ku eedeeyay WADANI inuu abuurayo xaalad abuureysa isku dhaca shacabka iyo siyaasiyiinta Somaliland, wuxuuna ugu baaqay inuu meel iska dhigo danahiisa gaarka ah, ayna u istaagaan danta maamulka.

Madaxtooyadda Soomaaliya wali kama aysan hadlin kulankii Farmaajo iyo Faysal Cali Waraabe ee ka dhacay Brussels marka laga soo tago inay baahisay Sawirka Madaxweynaha oo ay gacmaha is haystaan Faysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galayr.

Sikastaba, kulankii Farmaajo iyo Faysal Cali Waraabe ayaa buuq siyaasadeed ka dhex-abuuray Xisbiyadda Siyaasadeed ee Somaliland [UCID, WADDANI iyo KULMIYE].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM