UK oo ka walaacsan xukun dil ah oo ay fulisay Somaliland

Image
Xukunkan dilka ah ayaa waxaa la sheegay in lagu fuliyay afar qof oo dhalinyaro ah.

LONDON, Britain – Dowladda UK oo ka mid ah saaxiibada Soomaaliya ayaa ka hor timid xukun dil ah oo uu arbacadii fuliyay maamulka Somaliland ee hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi. Xukunkaan dilka ah ayaa lagu fuliyay 4 qof oo dhalinyaro ah.

Marwo Lizzie Walker, oo ah wakiilka dowladda Ingiriiska u joogta Somaliland ayaa walaac xoogan ka muujisay xukunka dilkaas, ayada oo sheegtay in uu meel ka dhac ku yahay qofka bini-aadamka ah.

“Waxa aad noo walaac galiyay qisaasta laga fuliyay Somaliland, halka ay UK ka taagan tahay sifiican ayaa loo yaqaana: Waanu ka soo horjeednaa qisaasta oo dhan wakhti kasta iyo duruufkasta,” ayey tiri Lizzie Walker.

Sidoo kale waxay hadalkeeda intaas kusii dartay “Ciqaabta dilku waa mid aan ku haboonayn sharafta aadanaha. Waxba kama tarto ka hortaga dembiyada.”

Walker ayaa sheegtay in marnaba aysan Somaliland ku taageeri doonin tallaabooyinka noocaas ah, ayada oo soo jeedisay in gebi ahaanba meesha laga saaro.

Ma aha markii u horeysay ee UK ay kasoo horjeesato xukun dil ah oo ay fulisay xukuumadda Somaliland, waxayna qeyb ka tahay wadamo reer galbeed ah oo inta badan aad uga qeylo dhaamiya markii la meel-mariyo xukun qisaas ah.

Huma Rights Watch ayaa horay ugu talabixisay in dowladda Soomaaliya ay samayso isbedel ay ku balan qaadayso hagaajinta hannaanka caalaadda Soomaaliya, waxaana hay’addu nadaxda Soomaalida ugu baaqday in tallaabada ugu horeysa ee ay sameeyaan ay noqoto joojinta fulinta xukunnada dilka ah ee ay maxkamaduhu ridaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM