UK oo si adag uga hadashay xariga siyaasiyiinta mucaaradka Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxa xafiiska Britain ee Hargeysa, Stuart Brown, ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay xarigga ka dhanka ah xubnaha xisbiyadda mucaaradka Somaliland.

Brown ayaa xukuumadda Muuse Biixi ku tartarsiiyey in ay si degdeg ah xorriyadooda ugu soo celiso siyaasiyiinta lagu xiray howlgalada ay haatan wadaan ciidamada ammaanka.

"Xukuumadda waxaan ugu baaqeynaa in ay dacwad kusoo oogto ama ay sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo deyso," ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa shaqsiga ah ee Twitter-ka.

Dhinaca kale, Brown ayaa ku tartarsiiyey xisbiyadda ku tartarsiiyey in ay xaqiijiyaan qabsoomida doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo baarlamaanka oo shan jeer baaqday.

"Dhinacyadda waxaan ku boorinayaa wada xaajood iyo in ay xaqiijiyaan in ay ka go’an tahay qabsoomida doorashooyinka iyadda oo aysan dhicin dib u dhac kale," ayuu hadalkiisa ku daray.

Bishaan November 17-keeda, booliska Somaliland ayaa xabsi u taxaabay Khadar Xuseen Cabdi, xoghayihii xisbiga Waddani, Barkhad Jaamac Baatuun, afhayeenkii xisbigaan iyo xubno kale.

Waddani ayaa ah xisbiga mucaaradka ee ugu Somaliland, kaasoo kaalinta labaad galay doorashadii Madaxtooyadda ee u dambeysay isla markaana uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cirro.

Qabashadda mas'uuliyiinta ayaa ka dambeysay markii xisbigooda iclaamiyey isu soo bax ka dhan ah xukuumadda oo uu ku eedeeyay in ay burisay heshiiskii dhismaha Guddiga Doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM