Waanwaantii lagu qaboojinayey xiisada Biixi iyo Cirro oo dhicisoobay

Image

HARGEYSA, Somaliland – Hogaamiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu guuldareystay dhexdhexaadintii ay ka dhex-bilaabeen xukuumadda Muuse Biixi Cabdi iyo xisbiga Waddani.

Ergo isugu jirta ganacsato, siyaasiyiin iyo madaxweyne ku xigeenadii hore ee Somaliland ayaa ku baxay qaboojinta khilaafka Doorashadda.

Ismaandhaafka oo muddo sii jiitamayey ayaa salka ku haya xubno uu Biixi kusoo daray Guddiga Doorashadda "oo u jaran-jeera xukuumadda".

Guddiga is-xilqaamay ayaa la kulmay Cabdiraxmaan Cirro, hogaamiyaha xisbiga Waddani, kaasoo ogolaadey dedaaladda ay bilaabeen. Hase ahaatee, waxay waji gabax kala kulmeen dhanka Madaxtooyadda oo ka hor-timid.

Mr Waraabe oo saxaafadda kula kulmay Hargeysa ayaa ku tilmaamay Muuse Biixi "hogaamiye madax adag oo aan qaadaneyn talooyinka loo jeediyo".

Rajo aan fiicneyn ayuu cod dheer kaga dhawaajiyey in ay ka qabaan in uu miro dhalo dedaaladooda, hadii aysan wax isbedel ah ka imaan Biixi.

"Guddi ganacsato ah ayaan ku wareejin doonaa arrinta wada hadalka," ayuu ku daray, isaga aan sharaxaad ka bixin sababta ka dambeysa arrintaas.

Isaga oo u muuqda mid quus-qaatay, Faysal oo si adag uga digay dib u dhac kale oo ku yimaadda doorashooyinnka goleyaasha iyo baarlamaanka ayaa caddeeyay "in ay ka tasgan doonan aayaha Qaranka Somaliland".

“Waa ay iiga dhamaatay Muuse, madaxa ayaan ka dhunkadey, aabahay kama dhunkan wali, rajo badan kama qabo in wadahadalkaa wax ka soo bixi doono, Muuse Biixi waa madax adag yahay," ayuu Faysal yiri.

Hadalka Faysal ayaa holac kusii shidaya qalalaasaha siyaasadeed ee ka aloolsan Somaliland, kaasoo hadda u muuqda in uu galayo marxalad hubanti la’aan taasoo mucaaradka ku riixeysa in ay qaataan go’aano ka dhan Biixi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM