Wadaad reer Somaliland oo u baxsadey degaanada Al-Shabaab

Image
Warbixino sirdoon ayaa intaas ku daray in Sheekh Sunne uu horey u kaxeystay dhamaan xubnaha qoyskiisa.

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland ayaa markii ugu horeysay waxay si furan uga hadashay wararka ku gadaaman maqnaanshiyaha wadaadka caanka ah ee lagu magacaabo Sheekh Aadan Sunne.

Cabdillaahi Xuseen, wasiir ku xigeenka arimaha Gudaha Somaliland oo Isniinta maanta ah kasoo muuqdey saxaafadda, ayaa xusay in Sheekh Sunne uu ku sugan yahay degaano ay maamusho Al-Shabaab.

Sida laga soo xigtey Xuseen oo si toos ah aan u shaacin degaanka rasmi ah ee uu ku sugan yahay wadaadka, haddana waxaa loo badinayaa in uu joogo goboladda Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

"Warka aan heyno wuxuu inoo sheegayaa in niman ay saaxibo yihiin oo koonfurta jooga oo berigii horeba lagu xaman jiray in uu afhayeen u yahay uu u tegay wararka nasoo garaaya waxay sheegayaan in uu ku sugan yahay gobolka Jubada Dhexe," ayuu yiri.

Balse illo madax-banaan ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in wadaadka uu ku sugan yahay magaalada Jilib oo ah xarunta ugu weyn ee xoogaga gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida.

Warbixino dhanka sirdoonka ah ayaa intaas ku daraya in kahor baxsashada Sheekh Sunne ay baadigoobayeen ciidamadda booliska Somaliland wallow aan la ogayn sababta ay u guursanayeen.

"Kaligii ma uusan baxsan. Waxaa wehliya dhamaan xubnaha qoyskiisa," ayuu yiri sarkaal ka tirsan mukhaabaraadka Somaliland oo la hadlay warsidaha GO balse ka gaabsadey adeegsiga magaciisa.

Somaliland ayaa dhowr jeer horey u xirtey Sheekh Sunne iyo dhalinyaro taabacsan. Tusaale, 2018-kii maxkamad ayaa wadaadka ugu xukuntay 5 sano dacwad aan fahfaahinteeda lala wadaagin warbaahinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM