Wadahadalada WADANI iyo UCID oo halis ku jira

Image

HARGEYSA, Somaliland - Sagaal cisho kadib doorashadii isku sidkaneyd oo ka dhacdey Somaliland ayaa waxaa heer adag maraya wadahadalada awood qaybsiga ee u dhexeeya labada xisbi ee mucaaradka ah "WADANI iyo UCID".

Wararkii ugu dambeyeey ee laga helayo kulamadii dhexmarey madaxda xisbiyada siyaasada WADANI iyo UCID ayaa sheegaya in isfahan la'aan xoogan ka taagan tahay sidii ay u qaybsan laheeyeen xilalka Duqa magaalada Hargeysa iyo Afhayeenka aqalka wakiilada Somaliland.

Xogahaan ayaa xusaya in hogaamiyaha xisbiga UCID uu ku adkeysanayo iney keenayaan shaqsiga u tartamaya xilka Duqa magaalada Hargeysa sidaas darteed WADANI kaga dambeeyo.

Xisbiga Wadani gaar ahaan Gudoomiyihiisa Cabdiraxman Ciro ayaa waxaa uu kala kulmay culeys weyn sidii uu ku qancin lahaa Cabdikariim Axmad Mooge oo ahaa musharaxii ugu badnaa oo hela codadka ugu badan doorashada golaha degaanka. Mooge oo ku tartamey xisbiga Wadani ayaa khudbadiisii ugu horeysay ee uu ugu mahadcelinayey taageerayaashiisa ku ku sheegey inuu yahay musharaxa Duqa magaalada Hargeysa.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Cabdikarim Axmad Mooge uusan ku qancin kulan uu la qaatey Gudoomiyaha xisbiga WADANI islamarkanaa ku adkeysay go'aankiisa ah musharaxnimada xilka Duqa.

Mooge oo isku beel yihiin Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Waraabe, ayaa diidan in Mooge xilkaas qaato isagoo ku adkeysanaya in kuraasta banaan loo qaybsado qaab xisbiyo balse aysan noqon Hab-beeleed.

Cabdikariim ayaa maanta 9 June, 2021 kulan la qaatey Madaxweynaha Somaliland oo isagu Gudoomiye u ah xisbiga Kulmiye. Kulankaan oo saxaafadu baahisay ayaa wararku sheegayan ineysan jecleysan taageerayaasha xisbiga WADANI.

Xisbiga WADANI ayaa waxaa ka soo baxay musharaxiin codad badan ka heley doorashadii isku sidkaneyd ee ka dhacdey Somaliland, sida Barkahad Batuun iyo Cabdikariim Axmad Mooge kuwaas oo haysta shacbiyad badan.

Dhinaca kale, aqalka Wakiilada Somaliland ayaa waxaa afhayeenkiisa ku tartamaya Yaasiin Xaaji Maxamuud Fartoon iyo Cabdirizaq Khaliif Axmad oo ka soo jeeda gobolka Sool. Yaasiin Faratoon ayaa ku tartamaya magaca xisbiga Kulmiye halka Cabdirizaq ka tirsan yahay Wadani.

Xildhibaanada gobolka Sool xiligaan ka soo galay aqalka wakiilada Somaliland ayaa ku soo wada baxay intooda badan xisbiga Kulmiye marka laga reebo Cabdirizaq Khaliif.

Warsxafadeed ay qabteen dhowaan ayay ku sheegeen iney ku taageerayaan xilka afhayeenka aqalka wakiilada Faratoon, hadii kale aysan ka sii mid ahaaneyn Barlamanka Somaliland.

Barlamanka Somaliland ayaa doorashadaan waxaa gabi ahaanba ka maqan Beelaha Warsangali oo daga inta badan gobolka Sanaag halka beelaha Dhulbahante ku leeyihiin Lix xubnood oo kaliya "4 xubnood Sool, 1 Buhoodle iyo 1 qof oo ka soo galay gobolka Sanaag".

Isfahan waaga labada xisbi mucaarad ee Somaliland ayaa dadka ku xeel dheer siyaasada maamulkaas waxay sheegayan iney Dan weyn u tahay xisbiga Kulmiye oo isagu dhumiyey aqlabiyada aqalka Wakiilada iyo golaha degaanka magaalo madaxda maamulkaas ee Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM