Wafdi ay dirtey Somaliland oo gaarey duleedka Laascaanood

Image
Gudaha xarunta gobolka Sool waxaa ku sugan dadweyne hubeysan iyo maleeshiya beeleedyo.

HARGEYSA, Somaliland - Wasiirka arimaha gudaha Somaliland, Maxamad Kaahin, oo saaka soo gaarey duleedka Laascaanood ayaa wararka warsidaha GO helayo sheegayaan inuusan weli soo galin xarunta gobolka Sool.

Warbixinadda ayaa sheegaya in Mahad Canbaashe oo ah taliye ka tirsan ciidanka Somaliland una dhashey gobolka kaga hortagey Wasiirka banaanka Laascaano.

Goob-joogayaal la hadlay warsidaha Garowe Online ayaa waxay tibaaxayaan iney jirto cabsi ah in sarkaalkan soo galiyo gudaha magaalada Wasiirka iyo wafdiga la socda.

Magaalada Laascaano gudaheeda ayaa waxaa ku sugan dadweyne hubeysan iyo maleeshiya beeleedyo diidan joogitaanka Somaliland ee xarunta gobolka Sool.

Somaliland ayaa qaadatey qorshe ay rabto iney wadahadal kula qaadato odyaasha Sool si ay u xaliyaan mashaqadaan sababtey in dad badan oo shacab ah ku nafwaayaan.

Dhanka kale, Taliyaha maamulka Somaliland ugu magacaaban gobolka Sool ayaa muddo 24 saac ah u qabtay shacabka la wareegay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Mahad Cambaashe oo warbaahinta la hadlay markii ugu horeysay ayaa shaaca ka dhigay in uu talaabo ciidan qaadi doono haddii ay sii socdaan waxa uu ugu yeeray qaska ka socda magaalada.

Cambaashe ayaa xusay in ciidankiisa ay horseed u noqdeen in magaalada ay gaarto horumar weyn, uusana ogolaan doonin in la dhaawoco horumarkaas, wuxuuna beeniyay in laga saaray magaalada, taasi badelkeedana ay shacabka u tureen.

Sikastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay oo taliyahan warbaahinta la hadlo, iyada oo mudaaharaadyadda Laascaanood ay galee todobaadkii labaad, dadkana isu sii abaabulayaan sidii magaalada ay u xajisan lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM