​Wafdi kasocda Jabuuti oo tagay Hargaysa

Image
Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Wefdi uu hogaaminaayo wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Xasan Maxamed Cumar  iyo Taliyaha ciidanka Booliska, Cabdilaahi Cabdi Faarax oo weheliyaan xubno sar sare ayaa maanta soo gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Xubnaha, ayaa kulan la qaatay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaana ujeedka socdaalkooda lagu sheegay mid la xiriira dhinaca amniga.

“Aniga iyo weftigaygu waxa aanu u nimi arrin weyn oo sida aad u garanaysiin Jabbuuti iyo Somaliland waa walaalo, laba shacbi oo walaal ah, shacbi ahaan taariikh weyn ayaa ka dhaxaysa…. Markaa farriin ayaanu u keenay madaxweynaha, farriinta madaxweynihii ayaan u dhiibnay oo  saxaafadu ma leh oo xagan kama sheegayo, laakiin waxa aanu u nimi dhul ahaan in aanu xuduudka labada dal si fiican u xoogayno," Sidaas waxaa magaalada Hargaysa wariyaasha ugu sheegay wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuti oo wax laga weydiiyay ujeedka socdaalkiisa.

Wuxuu intaas ku daray inay jirto xasarad ka taagan dhinaca xuduuda oo booqashadoodu la xiriirto in xal laga gaaro isagoo xusay,"Walaalayaal mushkilad way dhici kartaa laakiin mushkiladda rag ayaa u jooga baa xaliya, dhul kasta way ka dhacdaa mushkiladu laakiin mid ogaada in aanu nahay laba dal oo aan kala maarmin”.

Majirto wax war ah oo dhinaca Somaliland kasoo baxay kaasoo ku aadan booqashada wafdiga Jabuuti ay ku yimaadeen caasumadda Somaliland.

Arrintan ayaa timid kadib markii Somaliland iyo Jabuuti adkeeyeen isu socodka xuduudda u dhexeysa taasoo keentey in cilaaqaadka labada dhinac meel hoose gaaro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM