​Wafdi raacay Madaxweyne Siilaanyo oo Hargaysa ku noqday

Image

HARGAYSA, Somaliland- Wafdi uu hogaaminayo murashaxa madaxweynaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo gaaray magaalada Hargaysa caasumadda Somaliland, kadib safar labo Todobaad qaatay oo ay ku tageen waddamada Imaaraadka iyo Ingiriiska.

Xubnahan, ayaa safarkooda usoo gaabiyay arrimo la xiriira siyaasado isbadalay oo ka jira maamulkaas.

Xilli galinkii dambe shalay ay, soo gaareey caasumadda Hargaysa, waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan safarkoodii iyo siday u arkaan xubno leh miisaan siyaasadeed oo dhawaan ku biiray xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Balse, wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa warfidiyeenka u sheegay in wafdigan socdaalkooda Qurbaha diiradda ku saareen Xisbiga KULMIYE iyo sidii dalalka dibadda looga xooggayn lahaa.

Wasiirka Madaxtooyada, ayaa sidoo kale ka gaabsaday inuu ka hadlo, waxyaabaha soo da-dajiyay safarka mas'uuliyiinta gaar ahaan Murashaxa Muuse Biixi, wuxuuna ku cudur-daartay inuu dallanyahay.

Xogta soo gaaraysa GO, ayaase sheegay in mas'uuliyiinta usoo noqdeen sidii wax looga qaban lahaa siyaasadaha isbadalay iyo awoodda uu lasoo baxay Xisbiga Mucaaradka ah WADDANI, kaasoo ay ku biireen siyaasiyiin kasoo baxay Xisbul xaakimka Somaliland.

Wararka, ayaa intaasi ku daraya in mas'uuliyiintan aysan dibadda kula kulmin cid katirsan dowladdaha ay booqdeen ee Ingiriiska iyo Imaaraadka.

Hadal haynta ugu badan ee maamulkaas ayaa muddooyinkii dambe ahayd xaalka uu ku dambayn karo Kulmiye iyo guusha uu ka gaari karo doorashada sannadka soo socda dhici doonta, taasoo lasoo hormariyay midda madaxtooyada

GAROWOENLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM