​Wajiga koowaad Dacwadda garabyada UCID oo furmay

Image
Image

HARGEYSA, Somaliland- Guddiga Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo Axsaabta Somaliland, ayaa si rasmi ah u gudo galay wajigii koowaad ee dacwadda u dhaxaysa labada garab ee xisbiga caddaaladda iyo Daryeelka ee (UCID), kaasoo u kala jabay labo garab oo ay kala hoggaaminayaan musharrax Jamaal Cali Xuseen iyo Guddoomiye Faysal Cali-waraabe.

Fadhiga maanta, oo ay guddigu isugu yeereen labada garab ee ay kala horkacayaan labadaasi mas'uul, ayaa waxaa la weydiiyay su'aalo la xiriira arrimaha isku hayaan iyo dacwada la iska gudbiyay waxay la xiriirto.

Guddida diiwaangelinta ururrada, ayaa muddo saacado ah dhegaystay difaaca iyo eedaha labada dhinac, waxana dhinac waliba halkaas ka sheegtay waxa uu isku difaacayo iyo qoddobada uu u cuskanayo doodihiisa.

Muddo katib, guddigu waxay fasaxeen dhinacyadii dacwaddu u dhaxaysay, iyagoo shaaciyay inay lafo gur ku samayn doonaan waxyaabaha labada dhinac la gole tageen, waxayna caddeeyeen inay dhawaan go’aamo kama dambays ah kasoo saari doonaan dacwaddaas.

Go’aamada kama dambaysta ah ee ay guddidu soo saari doonto, ayey sheegeen in ciddii ku qanci weydaa ay rafcaan u qaadan doonto dhinaca maxkamadda sare ee Distooriga ah, taas oo ka garnaqi doonta wixii dambe.

Dhinacyadii dacwaddu u dhaxaysay oo halkaas hadalo kooban saxaafadda uga jeediyey, ayaa sheegay inay go’aan caddaaladi ku dheehan tahay ka sugayaan guddigaas, iyagoo shaaciyey inay ku qanci doonaan go’aanka soo baxa.

Xisbiga UCID, ayaa dhawaan waxa soo kala dhexgalay khilaaf u dhexeeya guddoomiye Faysal Cali-waraabe iyo musharraxa xilka madaxtinimo ee xisbigaas Jamaal Cali Xuseen, kaas oo gaaray heer xubnaha kale ee xisbiguna la kala saftaan labadaas hoggaamiye.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM