Waraabe oo Warbaahinta ka codsaday in SSC-khaatumo ku tilmaamaan “Argagaxiso”

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in loo baahan yahay in la mideeyo luuqada looga hadlo Warbaahinta Somaliland, isla markaana loogu yeero maamulka SSC-Khaatumo “Maleeshiyo”.

“Magacyada uu cadawgu bixiyow ma ahan inaan qaadano, waa inaynu hogaaminaa afka laga adeegsasdo Saxaafadda”, ayuu yiri.

Faysal ayaa soo jeediyay in dadka Sool aan la oran, lana adeegsado Bariga ama Koonfurta gobolka Sool, isaga oo faray warbaahinta inay xiisada taagan ku soo koobaan Laascaanood.

Waxa uu codsaday in aan la baahin hadallada Dhaqanka Sool oo uu ku tilmaamay kuwo mas’uuliyad darro ah oo sida xun u saameeya ammaanka Somaliland.

Waxa kale oo eedaymo u soo jeediyay hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, isaga oo ku eedaynaya inuu xiriir la leeyahay argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM