Wararka ku hareereysan Maxamed Cumar Carte Qaalib iyo Hargeysa

Image

HARGEYSA, Somaliland – Maxamed Cumar Carte Qaalib, ra'iisul wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, ayaa lagu waramay in Axada maanta ah uu ka degay caasimadda maamulka Somaliland ee Hargeysa.

Wararka ayaa xusaya in socdaalka uu yimid markii "cafiyey" Muuse Biixi Cabdi. Carte oo la sheegay in uu cafiska codsaday kahor inta uusan dhoofin waxaa la wariyey "in uu booqanayo aabihii oo xanuunsan".

Fahfaahinta xanuunka haya aabihii ayaan wali caddeyn, hase ahaatee, saxaafaddu waxay tabisay in uu xanuunsanayey bilooyinkii u dambeeyay.

Sidda ay tilmaamayaan warbixinadda, Mr Carte ayaa sidoo kale wuxuu iska casilay jagadda Xildhibaanimo ee baarlamaanka 9aad ee Soomaaliya, arrintaas oo ahayd "shuruud ku xirneyd cafiska Biixi".

Balse, ma jiraan xaqiijin rasmiya oo laga helayo xafiiskiisa. Isku dayo uu warsidaha Garowe Online ku doonayo in uu ku haleelo ayaanan guuleysan.

Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo kasoo horjeestay socdaalka Carte ayaa wuxuu ku eedeeyay xisbiga talada haya ee KULMIYE "khiyaano qaran".

Inkasta oo aysan cusbeyn in siyaasiyiinta xilalka sarre ka qabatay dowladda federaalka ay qarsoodi ku tagaan magaaladda Hargeysa, haddana waxaa naadir ah in midkood uu codsado cafis si uu u booqdo.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale, balse wuxuu caalamka u aqoonsan yahay maamul goboleed hoostaga xukuumadda Muqdisho.

Isu socodka siyaasiyiinta Muqdisho iyo Hargeysa ayaa hareeyay shirkii Jabuuti martigelisay horaantii sanadkan. Wafdiga uu horkacayey Biixi wuxuu si cad uga soo horjeestay qodobkaas.

Khamiis, maanta oo kale 25-kii October, sanadka markii uu ahaa 2018-kii, madaxweyne Biixi wuxuu hoyga uu Hargeysa ka degan yahay ku booqdey Cumar Carte Qaalib, booqasho lagu qeexay "is-xog-wareysi kooban".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM