Wararkii ugu dambeeyey dagaalka ciidamada Caare iyo Somaliland

Image

HARGEYSA - Waxaa dagaalo maanta 28/07/2019 dhexmarey ciidamo uu wato Korneyl Caare iyo kuwa Somaliland degaano galbeedka ka xiga degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag kuwaas oo wararku xusayaan iney weli xiisadu taagan tahay.

Caare oo laga wareystey Idaacada BBC laanteeda Af-Soomaaliga ayaa sheegey in maleeshiyaadkiisu ku sugan yihiin degaanka Tabco isagoo xusey inuu dagaalka uu la galay ciidamada Somaliland sii wadi doona inta laga helayo cadaalad lagu dhaqo dadkiisa kuwasoo sheegey ineysan waxba ku haysan maamulka Muuse Biixi.

Sida warsidaha Garowe Online horey u shaaciyey dagaalkaan ayaa dhacey iyadoo lagu gudda jiro waan-waan u dhexeysa Korneyl Caare iyo maamulka Somaliland. Halkaan ka akhriso

Warar laga heleyo saraakiil ka tirsan Somaliland ayaa sheegaya in Korneylka dagaalkii maanta dhacey lagaga furtey gawaari dibna looga riixey degaankii uu qabsadey.

" Caare waxaa uu ka faa'ideystey waan waantii socotey taasoo sababtey in ciidamdiisa gaaraan degamadaann dagaalku ka dhacey." sidaas waxaa Garowe Online u sheegey sarkaal ka tirsan ciidamada Somaliland oo diidey in magaciisa la xuso.

Caare ayaa ciidamada Somaliland ka goostay markii uu qayb ka noqdey colaado Sanaag ku dhexmaraya beelo wax dagan gobolkaasi oo bilihii lasoo dhaafayey dagaalamayey.

Dhinaca kale, Caare iyo ciidamada uu wato ayaa maamulkii Madaxweyne Gaas fariisimo ka siiyey degaano ku dhow Sanaag taas sida muuqata maamulka cusub ee Puntland go'aankaas wax ka badaley.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM

Itoobiya oo ciidamo boolis ah u tababaraysa maamulka Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, lama bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska.

  • Somaliland

    09-05-2024

  • 05:20PM