Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo la sheegay in Maxkamad looga yeeray

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wararka laga helayo magaaladda Hargeysa ayaa sheegaya in Wasiirka Warfaafinta maamulka Muuse Biixi, Cabdiraxmaan Guri-Barwaaqo looga yeeray Maxkamad, kadib markii musuq-maasuq lagu eedeeyay.

Wasiirka ayaa la sheegay in xilka si KMG ah ugu wareejiyay ku xigeenkiisa, Maxamed Muuse Abees, maadaama lasoo eedeeyay oo kasoo muuqanayo Maxkamadda Hargeysa, oo su'aallo ka waydiinaysa eedeymaha musuq-masuqa iyo wax isdaba-marinta.

U yeeridda Guri-Barqaawo ayaa ka dambeysay markii dhawaan la xiray Agaasimihii guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Madaxii dhinaca lacagta kadib warqad kasoo baxday xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Somaliland.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda maamulka Somaliland oo ku saabsan Maxkamadda u yeertay Wasiirka Warfaafinta.

Wararka ayaa sheegaya in Baaritaan uu ku socdo qaar kale oo kamida Wasaaradaha Xukuumadda Somaliland, oo arrimo musuq-maasuq lagu tuhmayo, iyadoo kiisaskan ay kusoo beegmaya xilli Muuse Biixi khilaaf kala dhaxeeya siyaasiyiinta mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM